|

Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay war ka dhan ah Itoobiya

Muqdisho September 05, 2024(QJ) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulankan diiradda lagu saaray dhowrista Gobonimada Qaranka, midnimada, amniga, la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed.

1. In si wadajir ah loo difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
2. Ka fogow fal kasta oo keeni kara kala qaybsanaan bulsho.
3. In laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed, isla markaana si wada jir ah looga hortago kooxaha xagjirka ah iyo wax kasta oo wax u dhimaya jiritaanka qaranka.

Golaha Wasiirada ayaa u mahad celiyay ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen Heshiis is-faham oo dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya oo ku saabsanaa iskaashiga dhinaca dalxiiska.

Leave a Reply