|

Xukuumada Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiga hubka

Muqdisho July 19, 2024(QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan deg deg ah yeeshay, waxaana kulanka lagu ansixiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga xuduudaha.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa sidoo kale golaha wasiiradu waxa ay ka soo saareen go’aan mamnuucaya ka ganacsiga hubka iyo saadka ciidamada, iyadoo lagu ansixiyay siyaasadda hubka, rasaasta iyo agabka ciidamada.

Qaraarkan ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan waxa uu mamnuucayaa soo dejinta, dhoofinta, samaynta, ganacsiga, wareejinta, iyo qaadista hubka iyo saadka ciidamada.

Mamnuucidda ka ganacsiga hubka iyo rasaasta ee ay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay dejiso shuruuc, siyaasado iyo xeerar adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ugu soo qul qulaya dalka kadib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday kulanka waxa ay ansixiyeen Heshiiskii Difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

Comments are closed