|

Xukuumada Somaliland oo Xayiraad ku soo rogtay Telefishanka Universal Iyo Warka Lagu Qabsaday Daawo

Hargaysa 03.Feb 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukusse) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay Xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay sadex arimood oo kala ah, ku wada noolaanshaha mandaqadda geeska Afrika,  wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee ka socday dalka turkiga, farogelinta iyo docodocaynta ay Somalia xiligan ku hayso Somaliland iyo  shirka ku saabsan anshaxa saxaafadda ee ay gacanta ku hayso daladda xidhiidhinta ururada  samafalka ee SONSAF, halka sidoo kalena uu Wasiirku si rasmi ah ugu dhawaaqay in maanta laga bilaabo TV-ga Universal laga joojiyey inuu ka hawlgalo gudaha Somaliland.

CukuseWasiirka warfaafintu ugu horayn waxa uu ka hadlay in wadahadalada ka socda dalka turkigu ay aasaas u tahay in si nabadgelyo ah loogu wada noolaado iyadoo la ilaalinayo deris wanaagga, lana ixtiraamo heshiisyadii iyo ballamihii la galay, isagoo cadeeyey in Somaliland diyaar u tahay fulinta ballamihii lagu soo galay dalka turkiga iyo heshiisyadii la gaadhayba.

Md Cukkuse waxa uu uga digay dawlada Somalia iyo madaxdeeda inay ka soo gudbaan waxii la wada gaadhay kana feejignaadaan wax kasta oo wax u dhimaya ballamihii la kala qaatay ee ay beesha caalamku dhexdhexaadinta ka ahayd, isagoo wasiirku si gaar ah u xusay inay mudooyinkan dambe dawladda Somalia bilowday inay xubno ka tirsan si sharcidarro ah ugu soo dirto jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena ay warbaahinta qaarkeed gaar ahaan TV-ga Universal u adeegsato farafaraynta ay ku hayso qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo maamuuska madaxda qaranka ee dalkani leeyahay.

Wasiirka warfaafinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu sheegay in TV-ga Universal uu dacaayado riqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn ka baahiyey Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee Dalka Dibadiisa, dacaayadaas oo anshaxa saxaafadeed ee caalamiga ah, ka islaamka iyo ka Somaliland-toona aan melena ka soo gelin, iyagoo sameeyey dhaqan xumo la sameeyo tii ugu xumayd.

 

Md Cukuse waxa uu sheegay in TV-ga Universal uu soo dhaafay dhamaan xuduudihii u yaallay saxaafadda kana baxay heshiisyadii uu kaga hawlgalayey ciidda Somaliland, isagoo ay Gabbaad ka dhiganayso dawladda somaliya oo faro-faraynta ay Somaliland ku hayso soo marsiisa Telefishinkaasi, ka dib markii ay  laaluush ahaan u siisay dhisme balaadhan oo  dadweynaha dalkaa ka dhexeeyey oo oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL waxa uu shir jaraa’idkiisa kaga dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo Isniin ah 3 bisha Febaury laga joojiyey TV-ga Universal inuu ka hawlgalo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana TV-gaas iyo mulkiilihiisaba dacwad lagaga furayo Maxkamadaha Dalku leeyahay iyadoo loo marayo xeerarka caalamiga ah ee saxaafadda.

Gebagebadii shir jaraa’idkiisa wasiirka wasaaradda Warfaafintu waxa uu si cad u qeexay in Qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo xurmada ay mudan yihiin Madaxda qaranku aanay ahayn wax laga garniqi karo oo marnaba aan gorgortan laga geli Karin.


Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed