Xukuumada Somaliland oo u adkeysan la’ eedaha kaga imanaya madaxdhaqmeedyada, waxgaradka, odayaasha iyo dhalinyarada galbeedka Hargeysa
Hab dhaqanka xukuumada Siinlaayo kuna suntan, xukuumad taag daran, go’aamadeeda hadba burisa, una dhabar adeegi Karin eedaha iyo caga jugleenta saxaafada loo mariyo.
Maalmahan waxa soo ifafaalo baxaya, in xukuumadu marin ama qiil saamixid u raadinayso sidii lagu sii deen lahaa eedeesanaha mulkiilahii wargeyskii la odhanjiray Haatuf oo dhawaan lagu xukumay xadhig, ganaax iyo kala noqosho shatiga hawlgalka wargeyskiisa.
Dhaqdhaqaayo kaga socda madaxweynaha dhanka wasiirada isku heebta yihiin eedeesanaha, mar kastana ka door bida danta reerkooda danta qaran. Dhanka kalana odayaasha iyo waxgaradka beeshaas ayaa maalmahan dambe si xooli ah ugu ololeenaya in lagu sii daayo mulkiilaha wargeyskii la odhan jiray Haatuf cafiska Ciida Bisha ramadaan ee barakeysan.
Wargaleen lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in arintaas cafiska ah la isla qaatay, se ilaa hadda la isku mari la’yahay sidii dib loogu soo celin lahaa hawlgalka wargeyskii la odhn jiray Haatuf.
Su’aashu waxa ay tahay ma laga yaabaa in sidaas hawsha yar lagu sii daayo eedeesanahaas laguna abaal mariyo in uu ka mid noqdo la taliyayaasha madaxweynaha? sidii kuwii hore ee dambiyada ka galay dalkan iyo dadkan maantana loogu abaal guday in ay noqdaan la taliyayaasha madaxweynaha, halkii ay xadhig muteesan lahayeen??????