|

Xukuumada Somaliland oo soo bandhigtay Qorshe Quudin dhanka Caruurta ah

Hargeysa April 22,2012(SDN)-Wasiirada Caafimaadka iyo Xanaanada Xoolaha ayaa maanta ka qayb galay xafladda lagu daahfurayey istiraatiijiyadda Qaran ee Quudinta iyo nafaqaynta caruurta Somaliland ee Sanado Xiliyeedka 2012 ilaa 2016.

Xafladda oo ka dhacday Hotel maansoor ee Magalaada hargaysa oo sidoo kale uu goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo agaasimayaal waaxeedka nafaqaynta iyo qorsheynta ee wasaaradaasi, wakiilka Unicef ee Somaliland iyo gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Somaliland. Ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xuseen Muxumud Maxamuud (X Xoog) oo sheegay in Somaliland ay safka hore kaga jirto liiska wadamada nafaqo darada caruurtu ay ka jirto isagoo ku sababeeyey arimo ay ka mid yahiin dhaqaale xumada, Naaska oo aan caruurta badankooda lagu duwin, abaaraha soo noqnoqonaya, Cuntadii ku haboonayd caruurta marka da’doodu lix bilood gaadho oo aanay helin IWM.

Wasiirku waxa uu sheegay in nafaqo daradau ay saamayn guud ku yeelanayso guud ahaan dadweynaha iskaashi bulsho oo aynu samaynaa uu qayb lixaad leh ka qaadanayo hoos u dhigga nafaqo darada caruurta haysata, halka sidoo kalena uu talaabooyinka u baahan in la qaado ku tilmaamay in la bedelo dhaqanka caruurta lagula dhaqmo, haday tahay naas nuujinta ama ilaalinta saxadooda.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo isna tilmaamay waxyaabaha lagama maarmaanka u ah kor u qaadista nafaqada caruurta in ay ugu horayso naas nuujinta gaar ahaan dambarka hooyada oo la ogaaday inuu 99% ilaaliyo caafimaadka iyo korriinka caruurta, door balaadhana ka qaato maskaxda iyo fahamkooda dabiiciga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur (C Gurey) oo isna munaasabadaasi ka hadlaya ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay caruurtu u geeriyoodaan nafaqo darada, qorshahan qaran ee quudinta iyo nafaqaynta caruurtuna waxauu qayb ka yahay barnaamijka lagula dagaalamayo nafaqo darada haysata caruurta Somaliland, waxuuna kula dardaarmay hay’adaha ay khusayso inay u diyaargaroobaan sidii mas’uuliyadaasi loo gudan lahaa.

Waxaa kaloo halkaa ka hadashay wakiilka hay’adda unicef ee Somaliland Ettie Higenns iyo Agaasimayaasha waaxyaha Qorsheynta iyo Nafaqaynta ee wasaaradda Caafimaadka Khadar Maxamed Axmed iyo Dr Axmed Jaamac Muuse oo sharaxaad muhiim ah ka bixiyey qorshaha qaran ee  daahfurka istiraatiijiyada nafaqaynta iyo quudinta caruurta somaliland

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed