|

Xukuumada Somaliland oo sheegtay in xisbiga UDUB iskii u burburay

Hargeysa Sept 15,2012(SDN)-Wasiirka waraafainta Somaliland Abiib timacad oo iddaacada BBCda u waramay ayaa jawab ka bixiyay hadal eed ahaa oo dhawaan ka soo yeeary xisiga Udub.

UDUB oo dhawaan shaacisay in ay qaadeceen doorashooyinka gollaha degaanka ayaa xukuumada Axmed Siilaanyo ku eedeysay in ay ku lug laheyd murano xisbiga ka dhex jira.

Sidoo kale UDUB waxa ay xukuumada ku eedeysay in ay ka danbeysay qaadacaad ka soo yeedhay guddida diiwaangelinta ururada oo sheegay in aan sifo sharci ah loo marin ku dhawaaqidii musharixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee UDUB.

Hadalada Abiib Nuur timocad waxa ka mid ahaa“Eedahaasi waxba kama jiraan, Xisbiga UDUB iyaga ayaa kala qaybsamay. Iyagaa is-qabqabsaday oo boqol fariiqo u kala baxday.

Waxa xisbigaa dilay oo baa’biiyey Hoggaanka xisbiga. Anigu ka Wasiir ahaan waan ka xumahay inay UDUB baaba’do. Xisbiga UDUB marbaan ka mid ahaa, waxaanu ka mid ahaa saddexdii xisbi qaran ee lagu dhaadanayey, waanuna ka xun nahay. laakiin cid faro galisay oo baa’biisay oo aan iyagga ahayni ma jirto.

UDUB dawladu may faro-galin, shaqana kuma lihin, Madaxwaynaha maanta jiraa waa ninkii dimuqraadiyada ababiyey ee dalka ka hirgaliyey, waa ninkii ururadda siyaasadda furay .” “Warqada ay xukuumadda u soo qoreen waa looga jawaabayaa, inkasta oo ay kula gal-galanayaan oo ay leeyihiin wixii xunba Xaawaa le’, UDUB cid faro-galisay ma jirto ee iyaggaa sidooda u bakhtiyey.” ayuu wasiirku BBCda u sheegay.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed