|

Xukuumada Somaliland oo Sas ka qaaday Isbahaysiga Beelaha Magaado,Kuna Margatay Xiliga la furayo Xuduuda Itoobiya Iyo Somaliland iyo Wasiirka arrimaha Gudaha oo afka u kala furtay

Hargaysa 27.July 2014 (SDN/QJ) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Markii u horaysay ka Hadlay Isbahaysiga Beelaha Magaado oo Mudooyinkii u danbeeyay Shirar Doceedyo ku lahaa Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland isla markaana hadafkoodu yahay Sidii ay u Wiiqi lahaayeen Taageerada uu Markii hore Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku hantay Kursiga Madaxweyne ee uu haatan ku fadhiyo.

warancade iyo KulankiiIsbahaysigan ayaa la aaminsan yahay inay dabada ka riixayaan Hogaamiyeyaasha labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo labaduba ka soo jeeda beelaha Magaado.

Wasiir Warancade ayaa Siyaasiyiinta Mus danbeedka u ah Shirarka Magaado Ku Sifeeyay rag ku Saaqiday Siyaasada isla markaana garan la’a qaabkii Xukuumada Jirta ay u Mucaaridi lahaayeen Wasiirka oo arrintaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxyaabaha aan la yaabo waxaa ka mid ah rag waaweyn oo Mucaarid ah oo had iyo Jeer Warbaahinta ka sheegaya Belo aan Waddanka ka jirin,oo leh nabadi jiri mayso markaa dadkaasi waa dad siyaasada ku asqoobay,oo ay ka Khaldan tahay habkii wax loo mucaaridi jiray,Waxaanan leeyahay Walaalayaal Nimcada ilaahay lagama hor tago oo lagama abaal dhaco” ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Mudane Warancade waxa uu intaasi ku daray oo uu ka hadlay Isbahaysiga Cusub ee Habar Magaado inkastoo uu Carabka ka Meer meeriyay inuu Magacaas afka ku dhufto “Qaar Waxaad ka Maqlaysaa habeen Walba Habrihii ina dhalay Qabuuraha ka soo faqaya oo Warbaahinta loo soo fadhiista hadaanu Habrihii Heblaayo nahay oo dhallinyarada dhegaha ugu ridaya,Laakiin hadaladaas Xun ee Tv-yada la marinayaa ninka Siyaasiga ah Hoos u dhac wax aan ahayn uma keento” ayuu Yidhi Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade.

Gunaanadkii Waxa uu Wasiirku Fariin u diray Mujtamaca “ Shacabka Waxaan leeyahay Waa inaad ka digtoonaataan hadaladaas ka soo yeedhaya raga aan is leeyahay Siyaasada ayay ku asqoobeen”.

Geesta kale Wasiirka Amuuraha Gudaha ee Somaliland Mudane Warancade ayaa ku Margaday Goorta la furayo Xuduuda labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya oo Todobaad ka hor uu Wasiirka arrimaha Dibadu sheegay in maalmo kooban kadib la furayo,Wasiir Cali Warancade ayaa arrintaas ku soo koobay in dhakhso loo furay ilaa iminkana aanu sheegi karin wakhti go’an oo ummadu ku Xisaabtanto.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay Mar uu Warfidiyeenada uga Waramayay Safar uu ku tagay Xarunta Itoobiya ee Addis ababa .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed