Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashey Maxbuus Ku Geeriyoodey Jeelka Mandheera Iyo Xadhiga Wariye Coldoon oo Shin Dhaafay DAAWO
Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare oo xafiiska warbaahinta kula hadley waxaa uu ka war bixiyey maxbiis ku geeriyoodey jeelka Mandheera.
Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in maxbuuskaas geeriyoodey uu xanuusanaayey isla markaana dhatarka lakeenay markii danbanaya ay tiisi noqotey oo u geeriyoodey.
Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa uu ka hadley xadhiga Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon waxaana uu sheegay in qof kasta oo qarankan danbi ka gala sharciga la marin doono Cabdimaailk na sharciga la marin doono.