|

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay maamulka lagaga dhawaaqay Taleex

Hargeysa Jan 10, 2012(qurbejoog.com)-Wasiirka arrimaha guddaha ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka waramay hadal ka soo yedhay shirka beelaha Sool uga socday degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Shirka ayaa caawa laga sheegay in la iskula qaatay in beesha Sool sameysato maamul goboleed u gaar ah oo ay yeeshaan.

Wasiirka arrimaha guddaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Caraale Duur oo u waramay BBCda ayaa yidhi;“ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.

Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.

Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaayoo, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,” ayuu yidhi wasiir Duur.

qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed