Xukuumada Somaliland Oo Hanjabaad Adag U Dirtay Madaxda dhaqanka iyo Axsaabta Siyaasadda Ee Wax Ka Sheega Barnaamijyada Iyo Heshiisyada Ay Gasho DAAWO
Hargaysa 01. April 2017 (SDN/QJ):- Xukuumada Somaliland ayaa digniin adag u dirtay madax dhaqameedka iyo dadka shacabka ah ee ka soo horjeeda heshiisyada caalamiga ah ee ay gashay.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee maamulka gobolada iyo degmooyinka Jaamac Cabdilaahi Biin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sharciga la marin doono cuqaasha iyo dadka ka hor yimaada hawlaha xukuumada waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Wax sheeg iyo wax is waydiin iyo wax ka wada hadal waa caadi, dadkana la cabudhin mayo, qofka wax khaldan wax ka sheegaya ama wax jira doonaya in laga jaahil saaro waxa uu leeyahay dariiqeeda iyo masuuliyiinta meeshaas jooga, haddii uu ku qanci waayana kuwa xarunta jooga ayuu u imanayaa laakiin ma jirto qof dawladnimada ka weyn, sharcigana waa lays marinayaa, maamulada goboladana waxaan u sheegayaa inay hawlahooda si toos ah u qabsadaan oo aanay cidna ku ixtiraamin, caaqilku caaqil maaha haduu nabad galyo daro ka shaqeeyo, cid kasta oo ka hor timaada nabad galyada oo cuqaal ah waxaanu ka baabiin doonaa diwaanka caaqilnimada waana wareegto aanu u dirayno gobolada dalka, cid kasta oo caaqil ah oo ka qayb gasha qas iyo qalalaase waxaanu u diraynaa gobolada xeer lagaga saari doono caaqilnimada, caaqilku nabad ayuu caan ku yahay dadweynaha ayaanu u dhaxeeyaa wixii khaldan anaga hanoo sheego, gobolka iyo degmada uu joogo haw sheego, haddii uu ku qanci waayana wasaarada ha yimaado laakiin xaq uma laha inuu dadka isku diro oo uu qori qaato iyo inuu is hortaago shaqo qaran.”
Sidoo kale wasiir Jaamac Biin waxa uu ka eedeeyey uu sheegay inay ka soo horjeedaan wax kasta oo dalka laga qabanayo waxaanu yidhi “Dadbaa jira wax kasta oo la keeno oo wanaag ah oo horu mar ah oo caafimaad leh oo waxtar leh oo dalka dan u ah ku saliilyoonaya oo ku cadanyoonaya oo aad moodo in aabihii la dilay, sida dekeda oo kale, DP World, shiidaalka la qodayo iyo waddada Ceerigaabo, qaarbaa ka muraara dilaacaya oo odhanaya waddada ceerigaabo lama samaynayo , shiidaalku waa wax kale oo macdan ayaa la guranayaa, waxaasi ma jiraan waana dadka ku cadanyoonaya nabad galyada ee ka xumaanaya horu marka ee u shaqaynaya cid aynaan garanay.”
Sidoo kale waxa uu fariin u diray xisbiyada siyaasada Somaliland oo uu sheegay inaanay diidi Karin wixii hawla ee dawladu balse ay dhaliili karaan waxaanu mar kale yidhi “kuwa asxaabta ah ee iyaguna ka hadla, xisbigu waxa uu ka hadlaa waxaas maan qabteen ee wax ka wanaagsan ayaan qaban lahaa laakiin waxaas lama samayn karo iyo lama yeelayo ma odhan karo, xisbigii yidhaahdana talaabo ayaanu ka qaadaynaa , xisbigu wuxuu xaq u leeyahay oo uu xisbi ku yahay oo sharci loo siiyey wax kasta oo dawlada fulinayso kama hor iman karo laakiin wuxuu odhanayaa sidaas maan sameeyeen ee si ka wanaagsan ayaan samaynayaa oo aan dadka uga dhaadhicin lahaa, haddii aanu anagu xoog adeegsano wuxuu odhan lahaa anigu xoog maan adeegsadeen ee si wanaagsan ayaan dadka ugu dhaadhicin lahaa, waanan u mahad celinayaa cid kasta oo rayigooda ka run sheegta.”