|

Xukuumada Somaliland oo dhagax dhigeysa dhawaan Qeybta Labaad ee Wadada Cad ee isku Xirta Hargeysa,Sallaxley iyo Ina Guuxaa

Hargeysa May 11,2012(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa maalinimada Isniinta todobaadkan ina haya Dhagax Dhigi doonta Qeybta labaad ee dhismaha Wadada Isku Xirta Magaalooyinka Hargeysa Sallaxley iyo Ina Guuxaa oo dhismaheda la bilaabay Bishii Juun ee sanadii 2012kii.

Sida ay ilo wareedyo ku dhaw Guddida Mashruuca Dhismaha Wadada Cad ay u xaqiijiyeen Somalidiasporanews.com Xukuumada ay Kaafaalo qaaday kharashaadka dhismeed ee qeybta Labaad ee Wadada Cad.

Dhismaha Qaybtii hore ee Wadada Cad ayaa kharashkeeda waxa ku keliyeystay dadka reer Haregysa iyo Qurbejooga degaanada ay wadadu isku xiri doonto.

Sidoo kale Gudida Mashruuca Dhismaha Wadada Cad ayaa haatan abaabulaya ururinta yabooha kharashaadka ku bixi doona dhameystirka Wadada Cad.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed