|

Xukuumada Somaliland oo daboolka ka qaaday inay ka qayb qaadanayso Gurmad loo fidiyo dadka ku tabaaloobay roobabka ka da’aya deegaamada Punt land {DAAWO}

Hargaysa 12.Nov 2013 (SDN)-Dawladda somaliland ayaa heerkii ugu sareeyey kaga hadashay dabaylaha qoyan iyo roobabka maalmahan ka da’ayey Gobolka Geeska Afrika, kuna dhawaaqday inay ka qayb qaadanayso gargaarka loo fidinayo dadkii ay dhibaatada culus ka soo gaadhay duufaanadii ku dhuftay deegaanada bari ee maamul goboleedka Puntland, Somalia.

Labadan Wasiir oo Si Wada Jir ah Galabta Shir Jaraa’id ugu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa ayaa wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md Cali Maxamed warancadde iyo wasiirka wasaaradda arimaha dibadda Md Maxamed Biixi yoonis Waxay  tacsi uga diray dadweynaha reer Puntland dhibaatadii ka dhalatay duufaankaasi.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancadde ayaa isna shir jaraa’idkaasi waxa uu ku sheegay in Somaliland ay ku soo beegan yihiin roobab lixaad leh maalmaha soo socda, waxana uu farrin u diray shacabka Somaliland inay ka taxadaraan meelaha ay daadadku soo gaadhi karaan

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed