|

Xukuumada Somaliland oo amaan ku muteysatay sida ay u maareysay dilkii Seemaal

Hargeysa Dec 12,2011(qurbejoog.com)-Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan waxa soo wejahay imtixaankii ugu horeeyay ee soo wejaha intii ay xilka heysay,ka dib kolkii ay dib u soo noolaatay colaadii aaga Ceel-berdaale ee dadka badani ku dhinteen.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa si deg deg ah tilaabooyin ku haboon xakameynta colaadan judhiiba qaaday.

Xukuumadu waxa ay dad badani ku amaneen sida degdega aheyd ee ay ku qaboojisay colaada oo ay baaritaankana u biloowdey.

Waxa maalmo gudahood lagu qabqabtay dad ay masuliyiini ku jiraan oo baaritaano ay weli ku socdaan.

Sidoo kale waxa shalay uu madaxweyne Axmed Siilaanyo mar kale qaatay tilaabo geesinimo leh oo uu xilkii uga qaaday taliyihii ciidamada Qaranka ee Somaliland oo in mudo ahba ay soo noqnoqotay tuhun laga qabay in uu lug ku leeyahay colaada Ceel-berdaale.

Waxa iyaga qudhuuda amaan mudan sida labada beelood ee walaalaha ahi ay isu xakameeyeen intii ka danbeysay dhacdadii u danbeysay iyo samirka ay muujiyeen.

Sidoo kale waxa dhiirigelinteeda laheyd sida ku dayashada iyo mahadnaqa mudan ee ay reer Somaliland meel ay joogaanba uga damqadeen colaada mudada soo noqnoqoneysay, iyo sida ay uga murugoodeenba.

Isku soo xooriyoo xukuumada Axmed Siilaanyo waxa ay dad badani qabaan in ay amaan ku muteysatay sida hogaanka hufan ee wanaagsan ee ay ilaa haatan ku maareysay marxaladan.

Waxaana la gudboon xukuumada in ay guusha israacsato oo ay soo afmeerto colaadan beelaha walaalaha ah mudada u dhexeysay.

 

Qurbejoog-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed