|

Xukuumada Somaliland iyo Golayaasheeda Fooda is haystaa ha Garwaaqsadaan Qaraarka golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey

Mar hadii Dimuqraadiyadii curtinka aheyd uu laaxin galay oo rukumadii qaranku noqdeen qaar fooda iswada haysta  Caalamku inaga yeeli maayo in uu Xaalkeenu noqdo uun “Mudada ii kordhi aan kuu kordhiyee  iyo mushaharka ii kordhi aan kuu kordhiyee”! Waxaa Caalamku arkaa in  Xukuumada uu waqtigeedii dhamaaday 27/7/2015. Waxaa Caalamku arkaa in iyana waqtigoodii uu dhamaaday Golihii Baarlamaanka oo 10 sanadood iska fadhiyey. Waxaa iyana dhaxaltooyo fajaciso ah noqday oo mudo dheer fadhiyey Golihii Guurtida oo aan hada aheyn guurti la mahadiyo ee iska noqday Guraangur idman.

Nasiibdaro Qaranimadii Somaliland iyo Dimuqraadiyadii ay ku taameysaba waxay si yar oo sibiq ah ugu dhaceen shebekad adag oo lagu magacaabo ” Mudo kordhin” Habada waxaa aqoon yahanka fogaan araga ahi isku wada raaceen in shebekedaa ay sida yar u gashay ay aad u adag tahay sidii ay uga soo bixi laheyd waayo lama ilaalin xaqii iyo xuquuqdii muwaadiniinta isbedeldoonka ah ee Somaliland. Dimuqraadiyada macnaheedu ma aha shaqsiyaad kursi isku haysta oo mudo kordhin ku murmaya ee  Dimuqraadiyadu macnaheedu waa shacabka oo wax xukuma. Dimuqraadiyaadu waa ilaalinta ilaadada iyo daryeelka danta guud ee shacabka. Shacabka Somaliland ma ogola in doorashadu raagto oo dhici weydo. Markaa waa in shacabka dib loogu soo celiyaa ilaadadooda iyo dantooda si ay cidii ay doonayaan codkooda iyo garashadooda ugu doortaan oo ugu foodaan.
Waa in doorashadu ku dhacdaa sida ugu dhakhsaha badan lana helaa Hanaan Doorasho oo hufan. “Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232  Act 2015 ayaa si cad u qeexaaya muhiimada ay leedahay in aan la kordhin waqtiga Dastuurku siinaayo Hayadaha Fulinta iyo Sharci dejinta. waana in la helaa buu leeyahay Hanaan Doorasho oo Hufan oo waqtigeeda ku dhacda” one man one vote .
 
Doorashada oo mudo dheer dib u dhacdaa waxay leedahay Saameynteeda oo taban, Waxay Saameysaa Ganacsiga iyo nolosha mujtamaca, waxay saameysaa Maalgashiga ajinebiga iyo ka wadaniga ahba, waxay saameyneysaa in Caalamkii inala macaamilaayey uu dabada inoo jeediyo. waxaana ugu horeeyey oo dabada inoo jeediyey Xafiiskii ugu weynaa ee ka wakiilka ahaa EU-da , Xafiiskaas oo ka wakiil ahaa ilaa iyo 28 dawladood, Somaliland na ku maalgeliyey  cadad lacag ah oo gaadheysa ilaa $ 1.8 Billion dollar. Kaa soo 5-tii sanadood ee Xukuumada Siilaanyo talada haysay Xafiiska  EU-du uu wadanka geliyey lacag dhan $ 62 Million Doolar ah oo ay u qorsheeyeen in lagu horemariyo 63 Mashruuc oo badankoodii ay ku danbeeyeen musuq-maasuq iyo qaraabo kiil qaawan oo hanti badan lagu lunsaday.
 
Hadaba Maxaa keenay Cadhada Xafiiska EU-da ?
Xafiiskan oo ahaa xafiiskii kowaad ee laf-dhabarta u ahaa Horumarka kaabayaasha dhaqaalaha iyo nabadgelyada ay Somaliland sheeganayso dhinac kastaba 24 kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa hada go’aan adag ku qaatay  in uu ka guuro Somaliland oo xafiiskiisii Somaliland uu ka dhigo ( satellite office ) Xafiis kooban oo aan sidii hore u shaqeyn. Waxaa xafiiskan sababay xidhidiisa Cadhadii ay aadka uga cadhoodeen  Dacwadii Xukuumada Siilaanyo ay  gudbisay ninkii Masuulka ka ahaa Xafiiska EU-da ee Somaliland.Waxaa kale oo ay  ka cadhoodeen markii heshiisyadii ay markhaatiga ka ahaayeen ee Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay ku heshiiyeen ay Xukuumada Somaliland  fulin wayday Doorashadiina ay laashay.
Gunaanad : Xidhitaankan Xafiiska EU-da ee Caasimada Somaliland wuxuu dhaawac Siyaasadeed oo dhiig bax ah ku noqon doonaa magacsamaanta iyo sumcada Qaranimada Somaliland. Waxaana uu dabar iyo seeto u noqondoonaa ictiraaf-raadinta iyo Gooni isu taaga Qaranka Somaliland.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madax banaan
Intensive ED BD PA
UK London

Comments are closed