Xukuumada Somaliland & Hay’ada UNCHR oo ka Wada arrinsanaya Sidii Xero Qaxoontiga Yemen ka Yimid
Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):-Labadii maalmood ee u danbeeyay waxa Somaliland soo gaadhay qoxoonti tiradoodu gaadhayso 377 qof oo ka soo qaxay dalka Yeman, kuwaasi oo ay ku jireen dad dhalasho ahaan ka soo kala jeedda waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya.
Isniintii todobaadkan waxa dekadda Berbera ku soo xidhay Markab siday 127 qoxoonti ka yimid dalka Yeman, halka sidoo kale maalintii ku xigtay ee Salaasadii ay isla Berbera soo gaadheen 250 qof oo qoxoonti ka soo barokacay dagaallada Yeman.
ida uu sheegay agaasimaha guud ee maamulka wasaaradda arrimaha gudaha gobolladda iyo degmooyinka danjire C/fataax Siciid Axmed, oo u waramay DAWAN, waxaanu tilmaamay in dadka qoxoontiga ah ee maalmihii u dambeeyay soo gaadhay Somaliland ay isugu jiraan Yemaniyiin, kuwo ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya, Itoobiyaan iyo kuwo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeedda balse dalka Yeman ku noolaa.
Dadkan qoxoontiga ah ee ka soo qaxay Yeman ayaa magaaladda Berbera waxa looga sameeyay meello ay ku nastaan meelahaasi ay ku hakadaan qoxoontigu ee ku yaalla magaaladda Berbera ayaa waxa loogu diyaariyay weelkii ay cuntada ku korsanayeen, ama ay ku cunayeen, busteyaasha la huwado, furaashyadda lagu seexdo iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.
Inta ay joogaan magaalada Berbera dadkaasi qoxoontiga ah waxa kharashka ku baxaya bixisa hay’adda King Selman Center oo laga leeyahay dalka Sucuudiga, hay’adaasi oo ay dawladda Somaliland bishii July ee sannadkan heshiis ku wada gaadheen in ay bixiso dhaqaalaha lagu daryeelayo qoxoontigaasi mudadda ay ku sugan yihiin Berbera.
Xukuumadda Somaliland iyo hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha qoxoontiga ee UNHCR ayaa ka wada xaajoonaya sidii la iskula qaadan lahaa in xerooyin loo sameeyo qoxoontiga faraha badan ee ka soo cararay dagaaladda Yeman, kuwaasi oo qaybahoodii u horeeyay ay Somaliland soo gaadheen horaantii sanadkan.
Ambassador C/fataax Siciid Axmed, oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Arrinta qoxoontiga waxaa kuwada jiray hay’adaha IOM iyo UNHCR oo ah hay’adda qoxoontiga caalamka. Waxaa jirtay in bishii July ee sanadkan ay dalka yimaadeen wefti ka socday dalka Sucuudiga, gaar ahaan hay’adda la yidhaahdo King Selman Center oo uu gaalgeliyo boqorka dalka Sucuudiga, isla markaana caawisa wadamo badan oo Afrika ah.
Hay’adaasi oo masuul ka ah qoxoontiga ka imanaya dalka Yeman kharashaadka ku baxaya inta ay Somaliland joogaan oo ah 7 maalmood. Waayo qoxoontigaasi intoodda badani waxay inoo dhaafaan Soomaaliya sidii markii hore lagu heshiiyay, taasina waxay ka danbaysay heshiis heshiis aanu hay’adaasi wada gaadhnay bishii July ee sanadkan.
Aniga iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Waran Cade, ayay yimaadeen weftigaasi iyagoo waday mashruucaasi dadka qoxoontiga ah ee ka soo cararaya dagaaladda Yeman. Mashruucaasi oo ay nagu yidhaahdeen wuxuu socon doonaa muddo sanad ah, isla markaana ay ugu tallo galeen kharash lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar, dadkaa qoxoontiga ah ee Somaliland imanaya, ee hadana sii dhaafaya.”
“Annagoo daba socona heshiiskii July 2016, ayaa Isniintii todobaadkan qaybtii u horaysay oo ahayd 127 ay soo gaadheen magaaladda Berbera, kuwaasi oo ka yimid Yeman, dadka Somaliland u dhashay waxay ahaayeen 5 qoys, inta kale waxay isugu jireen dad ka yimid Soomaaliya, oo safar inagu dhaafaya.
Markaa heshiiskii aanu bishii July wada gaadhnay hay’adda King Selman Center wuxuu ahaa in dadka Soomaaliya ama Muqdisho u socda in diyaaraddo lagu qaado, kuwa goboladda dhexe ee Soomaaliya tegaya-na in baabuur loo kireeyo oo sidaas lagu geeyo dhulkoodii, wadanka Somaliland inta ay joogayaana ay noqoto muddo u dhaxaysa 3 ilaa 7 maalmood gudahood ay kaga baxaan, kuwa Somaliland u dhashay-na xaq bay u leeyihiin in ay dalkoodda hooyo ku soo noqdaan.
Sidoo kale waxaa (Salaasadii) Berbera soo gaadhay 250 qof o qoxoonti ah, kuwaasi oo ka soo cararray dagaaladda ka socda dalka Yeman. Dadkaasi qoxoontiga ah 230 waxay ahaayeen Yemaniyiin, ilaa 10 qoys-na waxay ahaayeen dad dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, inta kale waxay isugu jireen dad ka soo jeedda Soomaaliya, iyo afar qof oo Itoobiyaan ahaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan goboladda iyo degmooyinka.
Wuxuu sheegay in ay hay’adaha IOM iyo UNHCR ku daba gelayaan barnaamijkaasi sanadka soconaya ee ay maalgelinayso hay’adda King Selman ee Sucuudiga. Waxaanu yidhi “Hay’adaha UNHCR iyo IOM, waanu ku daba gelaynaa barnaamijkaasi sida ay u fuliyaan iyo wax-qabadkoodda sida ay u wadaan, maadaama oo lacagta intaa le’eg ay ku bixinayso hay’adda Sucuudigu.
Waanan ku heshiinay hay’adahaasi oo shir ayaanu maanta (salaasadii) kula yeelanay hudheelka Ambassador, waanan ku dabab gelaynaa, oo bil walba warbixin ayaanu u diraynaa halka wax qabadkoodu marayo, sida ay wax u wadaan, dadka qoxoontiga ah in ay wixii loogu tallo-galay gaadhsiiyeen iyo in kale, taasina warbixinteedda xukuumad ahaan ayay naga sugayaan”.
Agaasimaha guud waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay todobaadkii hore sameeyeen guddi ka kooban saddex wasaaradood gudigaasi oo baadhitaano ku samanaysa qoxoontiga ka imanaya Yeman, caafimaadkoodda, iyo amaan ahaan-ba si aanay ugu soo dhex dhuuman xubno argagixiso ahi.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Todobaadkii hore waxaanu samaynay guddi ka koobaan saddex wasaaradood, oo kala ah wasaaradda dib-u dejinta, wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Gudidaasi oo ka shaqaynaysa maadaama oo ay dadkan imanayaa qoxoonti yihiin in caafimaadkoodda la baadho, xagga laanta socdaalka iyo booliskuna ay dadkaasi qoxoontiga ah ee wadanka imanaya qudhoodda in aan amaankoodda baadhno, in dad argagixiso ahi ay ku jiraan iyo in kale. Waana la baadhaa shandadaha ay sitaan, su’aalo-na waa la waydiiyaa.
Waxaa loo baahan yahay in aan ka feejig-naano, in xubno argagixiso ahi ay ku soo dhex dhuuntaan dadkaasi qoxoontiga ah iyo weliba in xagga caafimaadka aad loo baadho, cudurro badan oo faafa ayaa aduunka jirra, taana waa in aan ka digtoonaano oo la hubiyo runtii in dadkaasi wadanka soo gelayaa ay yihiin dad caafimaad qaba oo fayow, si aanay bulshadeena wax dhibaato ah oo xagga caafimaadka ah ugu keenin”.
Ambassador C/fataax Siciid Axmed, oo aanu waydiinay sababta xeryo qoxoonti loogu samayn waayay maadaama oo ay tiradda qoxoontiga Somaliland sanadahan danbe yimid ay aad u badan tahay, waxa uu ku jawaabay “Qorshaha ah sidii xeryo loogu samayn lahaa qoxoontiga waanu soo jeedinay ka wasaarad ahaan, sida aanu ku heshiinay hay’adda qoxoontiga caalamka ee UNHCR, waxay nagu yidhaahdeen waxaa imanaya qiyaastii 3000 ilaa 5000 oo qof inta u dhaxaysa, markaa kolay imika kama fursanayso in xeryo loo sameeyo, waayo marka qoxoonti tiradoodu intaa le’eg tahay uu yimaado waa in sida wadamadda caalamka loo sameeyo xeryo lagu daryeello.
Wada hadal ayaana noo socda hay’adaha qoxoontiga iyo muhaajiriinta qaabilsan ee UNHCR iyo IOM-taba, haddii tiradu inta ay sheegeen uu noqdo kama fursanayso in xerro qoxoonti la sameeyo” ayuu yidhi C/fataax Siciid Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen dalka Yeman ayaa waxaa Somaliland soo gaadhayay qoxoonti badan oo ka soo cararay dagaaladda, kuwaasi oo badankoodu ay magaalooyinka dalka ka shaqaystaan.
Sidoo kale waxaa Somaliland soo gaadhay qoxoonti iyag-na ka yimid dalka Suuriya oo ay isna dagaalo ka socdaan, hase yeeshee qoxoontiga ka soo cararray Suuriya ayaanay tiradoodu badnayn.