|

Xukuumada Somalia oo Sheegatay inay Guul ka gaadhay Dagaal Buule Burde ku dhex maray Ciidamadeeda iyo Alshabaab

Muqdisho 09.Aug 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa sheegay in ciidammada dowladdu ku jabiyeen  malleeshiyada Al-shabaab dagaal xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

DHUXULOWWasiirka ayaa war qoraal ah ku sheegay in malleeshiyada laga diley ugu yaraan lix xubnood oo uu ku jiro nin kamid ahaa hor-joogeyaasha sare ee kooxda.

Mustaf ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay, dar-dar galinta dagaalka ka dhanka ah malleeshiyada, wuxuuna u mahad celiyey ciidammada is kaashanaya ee Soomaaliya iyo AMISOM oo uu ku ammaanay in ay baacsadaan malleeshiyada.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in dowladdu waddo qorshe ay ku xasilinayso dalka, si ay fursad u helaan howlaha gargaarka, horumarinta maamullada iyo doorasho dalka ka dhacda sannadka 2016-ka.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed in ay dowladda iyo ciidammadeeda kala shaqeeyaan dadaalka lagu xaqiijinayo nabadda iyo horumarka dalka.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed