|

Xukuumada Somalia oo Balanqaaday inay Si Joogto ah u bixinayso Mushahaarooyinka Ciidamada

Muqdisho 07.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhimadda koowaad ay dowladdiisu siin doonto arrimaha ciidamada iyo mushaar siintooda.

M.WEYNE Xasan Sheekh iyo SaraakiishaMadaxweynaha oo maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ballan-qaaday in lacagta ugu horreysa ee dowladda soo gasha laga bixin doono mushaarka ciidamada, isla markaana ay ciidamadu ay leeyihiin ahmiyadda ugu horreysa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay yihiin kuwa ugu adkeysiga badan caalamka marka la fiiriyo duruufaha adag ee ku shaqeynayaan, isagoo uga mahad celiyay qabashadii degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Wuxuu ugu baaqay ciidamada inay ilaaliyaan shacabkooda si ay u noqdaan ciidan sharaf leh oo lagu kalsoon yahay.

Kulanka madaxweynaha la yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Cabdixakiin Xaaji Fiqi iyo abaanduulaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi, iyagoo warbixin ka siiyay madaxweynaha xaaladda ciidamada iyo guulihii u dambeeyay ee gaareen.

h1 h2 h3 h4 h5

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed