|

Xukuumada Siilaanyo ee ishuwan waxay shacabka badey waa ka sii daran waxay bartey

Xukuumadan talada haysa waxaa adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq cunsuriyadeysan oo xidideystay oo xadhkihii goostey waxaana madaxdeeda qaarkood lagu suntey qaar aan laheyn aragti siyaasadeed oo mideysan kuwaas oo iyagu aheyn isbedel-doon ama hadaf-doon laakiin ku caan baxay is-nuug iyo khiyaamo qaran. Xukuumadani marna  lama ay iman hami, hindise iyo hal-abuur wax-qabad oo buuran oo ay shaqooyin ugu abuurto 30-ka kun ee dhalinyaradii Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka ka qalin-jebisey 4-tii Sanadood ee ay hogaanka dalka haysey taas oo ay wax-qabadkii dhalinyarda S/land ku soo koobtey oo keliya ” qalin jebin, qado sharaf iyo qolal baanu udhisney”

4-tii sanadood ee xukuumadan kooxaysani ay hogaanka dalka haysay waxaa shacabka reer Somaliland ay indhahooda ku daalacdeen nabaro duudsi ah, dhagaro aan bireysneyn, hiraalo, iyo muuqaalo oo indho-sarcaad ah iyo shabekado hoosta ka xidhan oo ku sidkan hababka musuq-maasuqa casriyeysan ee hantida dalka lagu boobo ee lagu lunsado, taas oo ay ubixiyeen magacyadan tirade  badan ee hoose:

-1- Af-lameer dibno-leef ah oo u kala dab qaada xukuumada iyo xayndaabkeeda kaas oo fiidkii mayracda duleedka xaydaabka madaxtooyada si uu u-dhegaysto sanqadha ZAAKiisa. dab-liq!
-2-  Xil-ka-dege Xurmaysan oo shaqadii xilka tiriyey hadana mushaharkii weli uxaadira, waa arin ku ugub ah Somaliland in wasiir la eryey uu weli  surmo seegto aan dhudhun iyo dhumuc lahayn uu la dhex-wareego xayndaabka madaxtooyada.
-3-  Xidid maal iyo Xigto maal  xamuuran ku waas oo xayndaabka xukuumada ku xabkaysta.
Waxaa iyana ugub kale ah oo SL aan hore loo arag in inan iyo seedigii oo is barkani ay hanti wasaaradeed u-tashadaan oo si cadaan ah u-lunsadaan, Waa yaabka- yaabkii !!
-4- Dilaaliin iyo dabatooyin xukuumada la shuraako ah oo dabino daadsada illaha dhaqaalaha ee dalka. waxay kaga dareen idho-adeygnimada!
-5- Xil-quude qatan oo qaldhabaaya oo habaqleysi iyo hormo-qaam iyo raaf-dilaac uu dishoodey oo hadana dhinac ka raran.” timirtii horeba dab loo waa “
-6- Dan-wadaag” Shirkadley ah”  oo  jino-boqoro leh oo tujaar leh oo degel-meer leh oo hantida ummadda uheelan kuwaas oo sheerar iyo ganacsi kaga mashquuley shaqooyinkii loo igmadey.
-7- Dir-wadaag” dan-la-orod ah ” oo dheg-maal leh , deg-maal leh ,indho-maal leh oo qandaraas ku nool ah oo hadana xidid ah, xasabo ah, xigaal ah oo isxanbaar ah oo dulin iyo diirbaas wadankii ku dilaacay noqdey.
-8- Bah-wadaag ” Is-xulafeysi ah”  kuwaas oo xaalkoodu yahay hiiftan iyo haaraan, I-sii aan ku siiyee, ii-dar aan kuu daree. ii-kordhi , aan kuu kordhiyee. ii-gaagixi aan soo godlee, ila-mayrac aan wada maalnee, ii-qalax aan tuujistee. iisoo xaree aan ku tufee, dab-liqa ayaa la idinka yidhi!!
-9- Af-wadaag– ” iskooxaysata”  oo u-adeega oo qiimeysa 4-ta taajir ee dalka kootada ku haysata ee cashuur dhaafka ku mamay ku waas  oo noqdey budhcad-dhuleed dhulkii danta guud ahaa wada xidhay iyaga oo istimaalaya, mashruuc, wershad,iyo beero wada been ah.
-10- Mooshin-quute ” dhaameelyahan indho-yuub ah”  ku waas oo kala  iibsada cadaalada, sharciga, garsoorka dadka iyo dalka, kuwaas oo ay hada uxaniban yihiin xeerarkii shaqo abuurka ahaa sida: xeerarkii Baananka, xeerarka kala xadeynta Ganacsiga maadaama ay ganacsatadu qaraariso, xeerka Maalgashiga oo ubaahan wax ka bedel, Xeerarka tamarta, batroolka iyo gaasta iyo dhamaan macdanaha kala duwan ee dalka, taas oo Xildhibaanadii, Xeer-ilaalintii, iyo Xeer-beegtidiiba ay xukuumadani ka yeeshay is-xanbaar xeer-la’aan ah oo aan xilalkii loo dhaariyey isku xeerin oo aan isku xakameyn. Halkaas waxaa ku baaba’ay,oo uu Virus ku galay goobtii muhiimka ahayd ee laga abuuraayey, lagu ansixinaayey ee lagu meel-marinaayey xeerarkii iyo shuruucdii dalka.
Xukuumada Siilaanyo ee la curatey qaybsanaanta iyo qaraabo kiilku waxay haadaan dheer ka lushay oo khatar gelisey qadiyadii iyo masiirkii ummadda, taas mudnaanta siisey hanti urursi iyo hunguri dhaqaale oo aan Maaliyadna lagu darin shacabna loo soo bandhigin oo ay Somalia la qaybsadaan. Waxaa Xukuumadan ay shacabku ka filanayeen in ay magoosho oo mankeeda lagu doogsado oo ay la timaado ilbaxnimo siyaasadeed, xirfad iyo xarago horumarineed laakiin waxaa uu xaalkeedii hada ku soo ururey in ay 5-ta wasiir ee wax-og ee wasiiradeeda ka mid ahi ay masiirkii iyo qadiyadii 4-ta Malyuun ee shacabka reer Somaliland ay  sida ay doonaan kolba  ka yeelaan. Waana iyaga iyo Allahood !!!!
Hasha ka irmaan-Habaar-qabe maal
Shacabna Hawshiyo habeedaha mari
Geeso haydhane lo’da hadh-u-diid isna ma hadhsado
Afdiinlaha Siyaasigu mar-buu dhamac afuufaaye
Allow sahal amuuraha aakhiro samaan oman baa yimiye.”
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclam Wa-Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa-Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
UK

Comments are closed