Xukuumada Rwanda oo Si Weyn uga Cadhootay Telefishanka BBC oo Dib u Soo Fadhay Xasuuqii 1994kii
Kigali 18.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Rwanda ayaa aad uga cadhootay, isla markaana sheegay inaanay ka hadhi doonin Barnaamij markii labaad muddo todbodaad ah ay jawaab ka bixisay Barnaamij oo uu baahiyey Telefishinka BBC, kaasoo lagu magacaabay “Sheekada aan laga warramin ee Rwanda”.
Barnaamijka ayaa waxaa ku jiray baadhitaan ay sameeyeen laba Cilmi-baadhe oo u dhashay dalka Mareykanka, kaasoo su’aal gelinaya qaabka looga warramay xasuuqii dalkaasi ka dhacay 1994-kii.
Khamiistii toddobaadkan, Wasiirka arrimaha dibedda ee Rwanda ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in dawladdeeda ay ka shaqeyneyso qaabkii ay uga jawaabi lahayd Barnaamijkaas. Tan iyo markii uu Barnaamijku ka baxay Telefishinka BBC kowdii bishan October, ayaa waxaa sare u kacayay hadal hayntiisa, gaar ahaan baraha ay bulshadu kuwada xidhiidho.
Barnaamijka ayaa soo xigtay Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray Ciidammada Rwanda, kaasoo ku eedeynaya Madaxweynaha dalkaas Paul Kagame, in uu ka dambeeyay riditaanka diyaaraddii ay ku dhinteen Madaxweynayaashii Rwanda iyo Burundi 1994-kii, taasoo la rumeysan yahay in ay dhalisay xasuuqii Rwanda ka dhacay isla sannadkaas.
Cilmi-baadhayaasha Mareykanka ah, ayaa baadhitaankooda ku saleeyay tiradii dadweynaha ee xilligaasi Rwanda u diiwangashaneyd, waxaana ay sheegeen in tirada dadka Hutu-ga ah ee lagu dilay xasuuqa ay ka badnaan lahayd tan Tutsi-ga.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Rwanda Louise Mushikiwabo, ayaa Barnaamijka ku tilmaamtay mid isdaba-marinaya tariikhda dalkeeda. Waxa ay wacad ku martay in ay jawaab ku habboon ka bixinayaan, isla markaana ay ka sal gaadhi doonaan cidda ku lug lahayd sameynta Barnaamijkan BBCda ka baxay.
BBC-da ayaa diidday in Barnaamijkaasi uu ka dhigan yahay Beeninta Xasuuqii dhacay ee lagu laayay dadkii u badnaa Tutsi-ga. Afhayeen u hadlay Telefeshinka BBC-da, ayaa sheegay in Barnaamijku uu soo bandhigay baadhitaan qota dheer, isla markaana uu wax ku biiriyay aqoonteenna ku aaddan masiibadii murugada badneyd ee dalkaasi haleelashay.
BBC-da ayaa sheegtay in Rwanda ay u soo bandhigtay Barnaamijka ka hor inta aan la baahin, balse Xukuumadda Kigale ay ka gaabsatay in ay ka hadasho. Waxaanu Barnaamijkani badka soo dhigay xogo lagu sheegay kuwo daah la saaray shaacintooda oo la qarinayey, sida in Madaxweynaha wakhtigan ee Rwanda lahaa masuuliyadda sababta dhibaatadaas dhalisay iyo kuwo kale.
Xasuuqaas, ayaa dalka Rwanda ka socday Boqol maalmood sannadkii 1994-kii, waxaana Xasuuqaas si isir-gumaad ah Hutu-ga xag-jiriinta ahi ugu gawraceen dad ka badan 800,000, kuwaasoo ka tirsanaa Tutsi-ga tirada yare e dalkaas, waxaana dalka Rwanda bishii 7-dii March ee sannadkan 2014 laga xusay 20-guurada ka soo wareegtay Xasuuqaas cadawnimada ahaa ee ka dhacay dalkaas.
Kigali SDN/QJ