Xukuumada oo Xisbiga Waddani u diiday Xaflad uu qabsanayay iyo Gudoomiye Cirro oo Sheegay in arrimahani Muujinayaan Hungada Kulmiye Akhri
Berbera 18.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo aanay lahayn awoodd ay ku xakamayso Taageerayaasha ku soo biiraya Xisbiga WADDANI ee ka soo diga-roganaya Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.
Guddoomiye Cirro ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibad uu maanta Xisbiga WADDANI u qabtay Taageerayaal ka soo baxay KULMIYE oo ka qabsoontay Magaaladda Berbera.
Guddoomiye Cirro oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Caqabadkasta oo Xukuumaddu isku deydo inay ku hakiso taageerada Xisbiga WADDANI ee sii kordhaysa maalinwalba, ma joojinayso taageerada aanu ka helayno shacabka ku hungoobay KULMIYE, laakiin arimahaasi waa qaar Shacabka tusaya wajiga dhabta ah ee KULMIYE, Xisbiga WADDANI-na kor-u-qaadaya” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo Berbera kaga qayb galay Munaasibadda soo dhaweynta.
Xaflada Xisbiga Waddani uu ku qaabilayay Taageerayaasha ku soo biirayay ayaa Maamulka Gobolku u diiday in Xafladooda ay ku qabsadaan Huteel ka mid ah kuwa Berbera.