Xukuumada oo Xabsiga dhigtay Mas’uul sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani iyo Afhayeenka Xisbigaas oo ka hadlay
Hargeysa 31.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad,ayaa Xabsiga loo taxaabay kadib markii uu dhawaan dhaliilo ugu jeediyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan(Saleebaan-Gaal).
Sida Wararku sheegayaan Xukuumada Somaliland ayaa dhibsatay Dhaliilo xoogan oo uu u jeediyay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-Gaal sida ay ugu badheedheen in ay xulafo la noqdo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Garabka Xildhibaana Wakiilada ee ka dhanka ah Gudoomiye-ciro.
Xasan Axmed Goodaad oo katirsan Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa hada ku xidhan Xarunta C.I.D. ee Magaalada Hargeysa,waxaana la sheegay in loo diiday in lagu booqdo halkaasi waxaanay wararku tibaaxeen in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade si gaar ah ugu balamiyay,Ciidanka C.I.D.
Masuulkan ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa loo diiday in ay soo bookhdaan Ehelada iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, taas oo xadgudub ku ah Xoriyada Muwaadinka.
Dhanka Kale Afhayeenka Xisbiga Waddani isla markaana ah Mudane ka Tirsan Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa noo xaqiijiyay xadhiga Sarkaalkan ka tirsanaa Xisbigooda waxaanu canbaareeyay Xadhigiisa oo uu sheegay inaan loo soo marin dariiqii Sharciga ahaa .
Mudane Buubaa Waxa uu Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtidaba ku eedeeyay inay Khalkhal gelinayaan Nabadgalyada dalka .
Mar uu ka hadlay sababaha ay og yihiin in loo Xidhay Xasan Axmed Goodaad ayaa waxa uu sheegay inuu Qoray Maqaal uu ku iftiminayay in Gudoomiyaha Golaha Guurtidu uu si cad ula saftay Xukuumada iyo Xildhibaanada ay ku wada jiraan aqalka wakiilada kadib markii uu dib ugu soo Celiyay Gudoomiye Cirro Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo wax ka bedel iyo Kaabis ay ku sameeyeen.
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Waxa uu intaas ku daray inay Go’aan adag Xisbi ahaan ka qaadan doonaan Xadhiga qayrul sharciga ah Sida uu yidhi ee lagula kacay Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xasan Axmed Goodaad.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com