Xukuumada oo Shaacisay Qorshe albaabada loogu laabayo Jaamacado aan buuxin Shuruudihii aasaaska u ahaa.
Hargaysa 12.May (SDN) Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zam Zam Cabdi Aadan ayaa ku dhawaaqday in Gudida Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashadu ay wadaan qorshe dib u habayn loogu samaynayo Jaamacadaha dalka ka jira isla markaana albaabada loogu laabayo Jaamacadaha aan buuxin Shuruudihii Waajibka ku ahaa si ay u shaqeeyaan.
Wasiirka Waxbarashadu Waxay Xustay in Gudidani iyagoo Xushmaynaya Shuruucdii jaamacadaha kuna maamulayeen ay tababaro badan u fureen si ay u hubiyaan kuwa buuxiyay Shuruucda iyo kuwa aanay u dhamaystirnayn .
Zam Zam Cabdi Aadan waxay cadaysay in lagu heshiiyay in qaar ka mid ah Jaamacadahaas la xidho kadib markii dhamaystiri waayeen qaab dhismeedkoodii Jaamacadeed inkasta oo aanay magac dhabin kuwa ay yihiin Jaamacadahaasi.
Geesta kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Waxay Warkeeda ku sheegtay in ardayda wax ka barata Jaamacadaha dalka iyo dugsiyada Waxbarashadu ay si ka Weyn sidii hore uga qayb qaadanayaan Xuska Munaasibada 18 May,Isla markaana ay Socod ay dareenka Shacabka ku muujinayaan ay ku mari doonaan Shaaricyada Magaalooyinka dalka .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com