Xukuumada Oo Joojisay Xuska Maalinta 18-ka May ee Sanadkan Iyo Sababaha ay U Cuskatay DAAWO
Hargaysa 03. May 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland MD Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynuhu go’aamiyey in sanadkan la joojiyo xuska iyo dabaal-dega maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May, isla markaana kharashkii ku bixi lahaa loogu gurmado dadka abaareysan.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha JSL Md Axmed Siilaanyo uu Go’aamiyay in Xuska Maalinta Madaxbanaanida Somaliland ee 18 May ee Sanadlaha ah oo 25,kii sano ee u danbeeyay sanad walba la Qabanayay inaanu sanadkan 18 May 2017, aanu sidii hore ee uu u dhici jiray aanay u dhici doonin.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Dabaal dagyadii 18 may ee Min gobol ilaa dagmo lacagtii loogu Dabaal dagi jiray in Loo badalay Dhinaca Gurmadka Bulshada Reer Somaliland ee ay Abaaruhu Saameeyeen.
Wasiirku waxaa uu ku Booriyay Guud ahaanba Shacabka JSL, Gobol, Degmo, Tuulo, iyo Caasimada iyo Qurbajooga intaba inay Guntiga dhexda ugu xidhaan kana Fikiraan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Taakulada iyo Gurmadka Abaarta.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr Cadaani ayaa Sidoo kale Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay kuna Sharaxay Gudida Abaaraha iyo Xukuumadu Taakulada ay Gaadhsiiyeen Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ee ay Abaaruhu Saameyeen, Waxaanu Wasiirku Sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa oo Taakulaynta Abaaraha sii Mariyay Gudida Abaaraha Qaranka in Bilahii October,November iyo December sanadkii lasoo dhaafay 2016, inay u Qaybisay in ka badan 100.000, Boqol kun oo qoys taageero raashin ah oo qoyskiiba u gaadhay 25 kilo oo bariis,Sonkor,Daqiiq iyo Saliid isugu jira Waxaanu sheegay inay Gobolada Dalka Mucaawinadasu u kala gaadhay sidan.
Gobolka Saaxil 16 kun oo qoys
Gobolka Saraar 8, kun iyo Sagaal Boqol oo qoys.
Gobolka Togdheer 10 kun iyo Sadex boqol oo qoys
Oodweyne, 5 kun iyo Laba boqol oo qoys.
Deegaanka Widh-widh 2 kun iyo laba boqol oo qoys.
Qori-lugud 2 kun iyo laba boqol oo qoys.
Buuhoodle 2 kun oo qoys
Gobolka Sool Laascanood 11, kun oo qoys. Taleex, 2 kun iyo Sagal boqol oo qoys.
Xudun 2 kun iyo Lix boqol oo qoys,
Bohol, kun Qoys
Gobolka Sanaag, Sanag Galbeed 16 kun iyo sadex boqol oo qoys, Sanaag Bari 11,kun oo qoys.
Gobolka Maroodijeex, Sabowanaag Sallaxley Balligubadle, Cadaadley Daarasalaam 12 kun oo qoys.
Waxaa kale oo Wasiir Cadaani intaa Raaciyay in Bilaha December aakhirkedi iyo Jenuary bilawgeedii ay raashin loo qaybiyay 22, kun oo qoys Rashinkas oo qoys walba laga siiyey 25,kilo oo daqiiq ah iyo saddex iyo badh litir oo saliid ah.
iyadoo Gobolka Saaxil las iiyay 4 kun oo qoys, Burco 4 kun oo qoys, Oodweyne 2 kun oo qoys, Sool 4 kun oo qoys, Ceerigaabo 4 kun oo qoys, Badhan 2 kun oo qoys.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii January bilawgeedi iyo Febuary Raashin gaadhay 30 kun oo qoys in la qaybiyay kasoo uu keenay Sucuudigu, Raashinkas oo qoyskiiba la gaadhsiiyey 20 kiilo garam oo Sonkor Daqiiq Bariis Timir iyo Saldiid Waxanay u kala heleen Sidan Gobalada dalku.
Saaxil 4 kun oo qoys, Togdheer 7 kun iyo Shan boqol oo qoys, Sool 6 kun iyo shan boqol oo qoys, Sanaag 7 kun oo qoys, Bariga iyo Koonfurta Maroodijeex Cadaadley, Sabowanaag Sallaxley, iyo Hawd 4, kun oo qoys.
Halka Bishii March ay gudida abaaruhu ay raashin ku filan 42 kun oo qoys qaybiyeen, Raashinkaas oo 12 kun sided boqol iyo konton qoys uu ka yimi Djabouti, Halka Itoobiyana ay ku deeqday 8 kun iyo shan boqol oo qoys iyadoo inta soo hadhay oo ah 21 kun oo qoys ay gudida taakulaynta abaaruhu ku deeqeen.
Wasiirka Warfaafinta Md Cadaani ayaa sidoo kale Faafahiyay Gurmadka ay xukuumadu ka gaysatay dhinaca Biyaha, Caafimaadka iyo Ceelasha la sameeyay iyo kuwa la Dayactiray, Waxaa kale oo wasiirku uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo uu xukumada usoo jeediyay Hogaamiyaha Xisbiga wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaana uu ku sifeeyay Siyaasi raad barad ah. halka uu dhanka kalena Wasiirku si adag u difaacay Gudoomiyaha ahna Musharaxa madaxweyne ee Xisbul xaakimka Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi
Waxaana uu sheegay in Masuuliyiinta Wadani Mudadii ay ku Wareegay Safarkooda Qaarada Yurub inay la wareegayeen waxaan sal iyo Raadtoona lahayn oo aanay Xukuumaduna marna u jawaabin iyadoo ay ogyihiin in Xafiis walba ay dhigeen Waraaqo lagu Hagar daamaynayo Madax banaanida iyo jiritaanka iyo Dawladnimada iyo astaanta qaranka JSL Waxaana uu ku tilmaamay Nasiib darro in Ragga Madaxnimada doonaya iyo kuwa Madaxweynaha ag fadhiyi jiray 5,ta sida Xirsi Cali Xaaji xasan iyo Cabdiraxmaan cirro sano ay la xulufoobaan kuwa Somaliland jiritankeeda ka xun.
Wasiir Cadaani waxaa uu wax laga Xumaado ku tilmaamay in Xirsi Cali Xaji xasan Fagaarayaal ka sheegto oo uu kaga faano Waxqabadadii Madaxweynaha JSL Md Axmed Siilaanyo uu fuliyay Sida dhismaha wadooyinka faraha badan ee ay ugu horayso tan Ceerigaabo iyo burco isku xidha Qaarna la dhamaystiray kuwa kalena wali socdaan dhaqsana loo dhamaystiri doono.