|

Xukuumada oo 3 Jirsatay kana hadashay Waxqabadkeedii,kana Gaabsatay Wixii aan u Qabsoomin {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.July (SDN) Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sadex Sanno ka Hor waxay Maantoo kale la Wareegtay Hogaaminta Qaranka kadib Markii ay ku Guulaysatay Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 26 June sanadkii 2010kii.

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Galabta Warbaahinta ugu Soo Bandhigay Waxqabadkii dawlada u Hirgalay Mudadaas Sadexda Sanno ah inkastoo uu ka Gaws qabsaday inuu Cadeeyo Wixii aan u Qabsoomin ee Qorshaha ku Tallo gal ugu Jiray Maamulka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Sidoo kale Warbixinta Afhayeenku kumuu Sheegin Waxyaabaha ay Dawladu ku Talo Jirto inay Qabato.

Warbixinta Afhayeenka ayaa u Badnayd Arrimo ay Xukuumadu u aragto inay Guulo ka Gaadhay,Hasa Yeeshee Waxaa Meesha ka Maqnaa Sababta wax looga qaban waayay Tahriibta oo ka Mid ah Qodobada uu Madaxweyne Siilaanyo Sheegay inuu Sannadka u horeeya ee Mudada Xil Hayntiisa uu Xididada u Siibi doono.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WAXQABAD27OK.mp3″]

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed