Xukuumada oo 24 Saacadood Gudahood u qabatay Sidii ay u rari lahayd Maktabada Gaandi Kadib Markii dhulka ay ku fadhido Laga Iibiyay Ganacsade ay Madaxweynaha isku hayb yihiin
Hargeisa 30.March 2015 (SDN/QJ)-Masuuliyiinta Xarunta Kutubka ee Gandhi Oo sheegay in loo qabtay 24 Saacadood si ay uga guuraan isla markaana buuggaagta uga raraan.
Mahad Ismaaciil Gaandhi ayaa sheegay in lagu wargaliyay in dhismahan laga Iibinayo ganacsade hore u iibsaday dhulka ka dambeeya ee boostii hore ee Magaalada Hargaysa kuna xigta Saldhiga dhexe ee caasimada Hargaysa“Waxa noo yeedhay taliyaha booliska iyo wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland oo nagu yidhi ka baxa oo ka gura buugta meesha”Cabdillaahi Maxamed Cali Khadka Telefoonka ugu Sheegay Masuulka runta Gaandhi, Waxaanu intaasi raaciyay“Waxa aanu wada kulanay maanta taliyaha booliska iyo wasiirk arimaha gudaha oo walaal nagu yidhi khasab ayaad kaga baxaysaan dhismaha library-ga, waananu ka diidnay”Waxaa anu sheegay inuu wakhtiyadii u dambeeyay noq noqonayay goobta uu ka dhisan yahay gandhi “walaal baryahan oo dhanba qoladii ganacsatada ahay ayaa nagu dul warawareegaysay, waxayna doonayaan in xoog lanooga saaro, anaguna yeelimayno”
Muuqaalka Wareegtadii Xukuumaddii Marxuum Cigaal ay sanadkii 2000, Masuuliyiinta Maktabada Ku Siisay Dhismaha Library-ga…..Waxa ku saxeexan Wasiirkii Daakhiliga Ee Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal. Md, Axmed Jaambiir Suldaan
Dhanka kale waxa uu Mahad Ismaaciil sheegay in ay arinka isku dayeen in ay si toos ah ugala macaamilaan kuna qanciyaan ganacsatada Ilama Xarbi oo xukumada Siilaanyo ka iibisay dhismaha iyo dhulka uu ku fadhiyo Gaandhi Library, hase ahaatee xubno xukumada ahi ku dhex jiraan, isla markaana ay doonayaan in xoog dibad loogu tuuro buugaagta. sida uu sheegayna aanay doonayn wax kale oo aan ahayn in dhismahaa gacanta loo galiyo, isagoo ah dan guud marki horeba.
Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay oo qurbejoog heshay ayaa sheegaya in lagu wareejiyay Gaandi goob wakhti xabaalo ahaan jirtay oo ku taala Jeelka wayn dhiniciisa kuna beegan madarasadii hore ee sheikh Baraawe.
Warar ayaa sheegay in la xabsiga loo taxaabay mid ka mid ah dad ergo ugu tagay wasiirka Arimaha gudaha Somaliland wallow saacad kadib la soo daayay .
Hargaysa SDN/QJ