|

Xukuumada Muuse Biixi oo ku adkeysaneysa xadhiga Xildhibaan Abiib

Hargeysa September 04, 2024(QJ) -Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf lagu soo eedeeyay fal khiyaamo qaran ah, isla markaana la horgeyn doono Maxkamad.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah Maxamed Abiib Yuusuf ay muddo dheer ka socotay Golaha Wakiilada, isla-markaana aanay wax jawaab ah ka helin Golaha, taasina ay keentay in go’aan laga gaadho.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan cod aqlabiyad ah ku diiday in xasaanadda laga qaado Abiib Yuusuf, waxaanay dalbadeen in la sii daayo. Hase-yeeshee, Wasiir ku-xigeenku waxa uu caddeeyey in xadhiga Xildhibaanka aanu ahayn mid la xidhiidha Mawqifkiisa Mucaaradnimo, balse ay tahay eedaymo Khiyaano Qaran oo culus oo caddaymo la taaban karo lagu soo oogay, kuwaas oo Maxkamad la horgeyn doono.

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu xildhibaano aan la magacaabin ku eedeeyay inay la shaqaynayeen Abiib Yuusuf falal lagu wiiqayo Somaliland, iyadoo la filayo in cadaymo dhawaan la horkeeno maxkamadda.

Xildhibaanka ayaa hadda ku xidhan xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, waxaana xadhigiisa uu la kulmay mucaaradad xooggan oo kaga imanaysa siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Leave a Reply