|

Xukuumada Muqdisho Oo Ku Dhawaaqday In Gobolo Ka Tirsan Somaliland Ka Furayso Xafiisyo Lagu Bixiyo Baasaboorkooda Iyo Aamusnaanta Xukuumada Siilaanyo

Muqdisho 31 March, 2016-(SDN/QJ):–Taliyaha laanta socdaalka dawladda Soomaaliya Generaal Gaafaw, ayaa shaaca ka qaatay inay gobolo ka tirsan Somaliland ka furi doonan xafiisyo lagu bixiyo baasboorka Soomaaliya, Isla markaana wuxuu sheegay in qaarkood hore looga furay.

xafiiska jinsiyadaha ee buuhoodleGaafoow oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Horta meel kasta oo nabad ah ama maamul goboladeed leh ama intay dadku isku tageen ay nabadaysteen ama madax u samaysteen waa la geeyay, haddii aanu ka soo bilowno Buuhoodle waanu gaynay, badhanna saddex cisho kabacdi baanu ka furaynaa, meel kasta oo nabad ah ama maamul goboladeed leh ka jiro oo aanan gayni ma jirto.” Ayuu yidhi Gaafoow

Dhinaca kale, xukuumadda madaxweyne siilaanyo ayaan ilaa hadda ka hadla furashadda xafiisyaddan cusub ee lagu bixin doonno Baasaaboorka Somalia.

Comments are closed