|

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo Xabsiga Ka Sii daysay Sheekh Aadan Sune & Cida ka Shaqaysay Xoriyad helistiisa

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):-Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga kasii daysay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo kamid ah culimada waawayn ee magaalada Hargeysa – kaasi oo bishii May ee sanadkan ay gurigiisa kala baxeen ciidamada RRU-da.

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa bishii July ee sanadkan ku xukuntay xabsi gaadhaya hal sano iyo badh, iyadoo wakhtigaasi la sheegay in lagu soo eedeeyay inuu wax ka sheegay Albaab ku yaalla xarunta ciidamada Badda ee magaalada Hargeysa iyo Sameecado laga jarjaray magaalada.

Sheekha ayaa maanta galinkii dambeba Khudbad ka akhriyay misaajidkii uu markii horeba ka akhrin jiray khudbadaha iyo duruusta diiniga ah.

Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Wasiirka Cusub ee Qorshaynta Qaranku Mr Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo Tire uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday Sidii uu Cafis ugu Samayn lahaa Sheekha.

Comments are closed