|

Xukuumada Libiya oo sheegtay in dalkaasi cagta saaray wadada dimuqraadiyada

Tripoli Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Raysalwasaare ku xigeenka dalka Liibiya Mr Mustafa Abu Shukuur ayaa sheegay in Liibiyada xorta ahi ay cagta saartay dhabbahii ay ku gaadhi lahayd nadaamka dimuqraadiga.

Mr Shukuur waxa uu warbaahinta u sheegay in dalkisu ku jiray nadaam diktaatooriyad ah mudadii afartanka sano ahayd ee la soo dhaafay, isla markaana aanay ahayn arin fudud in hubkii mudadaa la geliyey gacanta shacabka si fudud looga ururiyo.

Raysalwasaare ku xigeenka Liibiya ayaa ku tilmaamay mustaqbalka Liibiya mid fiican oo ay dadweynaha dalkaasi diyaar u yihiin inay dhistaan dawladooda sidii ay markii horeba ugu midoobeen sidii ay markii horeba isaga kaashadeen inay ridaan nadaamkii Diktaatooriyada ku dhisnaa.

Hadalka raysalwasaare ku xigeenku waxuu soo baxay maalin ka dib sanadguuradii koobad ee ka soo wareegtay ridistii Mucamar Al-qaddaafi, iyadoo banaanbaxyadii lagu xusayeyna xukuumada loo soo jeediyey dhaliilo.

Qurbejoog-Tripoli

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed