Xukuumada iyo Mucaaridka Syria oo markii u horeysay ogolaaday in ay yeeshaan wadahadalo fool ka fool ah
Dimishiq Nov 26,2013(SDN)-Qaramada Midoobey ayaa shaacisay in bilo faro badan ka dib ay dhinacyada siyaasada ee dalka Syria ay haatan diyaar u yihiin in ay yeeshaan wadahadalo fool ka fool ah.
Wadahadalada ayaa lagu wadaa in ay ka dhacaan magaalada Geneva ee dalkaSwitzerland horaanta sanadka ina soo haya.
Wadahadalada ayaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan aasaaska dawlad Ku meel gaar ah oo dalkaasi yeesho.
Dawladaas oo noqon doonta mid la isla wada qaato oo yeelata awood buuxda oo xukuumadeed iyo mid talis ciidamada qalab sida ee dalkaasi.
Qaramada Midoobey ayaa labada dhan ee Syria ka codsatay colaada oo la hakiyo iyo in la isweydaarsado maxabiista ay kala hayaan.
Dawlada iyo mucaaridka ayaan weli si rasmi ah uga hadal weedhan ka soo yeedhay Qaramada Midoobey ee wadahadalka ku saabsan.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com