|

Xukuumada Ingiriiska oo ka jawaabtay su’aalo laga weydiiyey heshiis soo celinta Maxaabiista oo Somaliland dhexmaray

London 17 January, 2016 (SDN/QJ):-Xukuumada Ingiriiska ayaa jawaab ka bixisay faahfaahin laga weydiiyey heshiis hore u dhexmaray Jamhuuriyada Somaliland oo la xidhiidhay dib u soo celinta maxaabiista ku jira jeelashooda.

Heshiiskan oo lagu sheegay is-afgarad (MoU) kuna saabsan soo celinta maxaabiista u dhalatay Somaliland ee ku jira jeelashada Ingiriiska oo hore Wasiirkii wasaadarra Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid ula saxeexday ayaanay labada dhinaca midkoodna faahfaahin ka bixin, inkastoo wax laga weydiiyey.

Laakiin, xidhiidh uu la sameeyey Wariye Maxamuud Walaaleye oo wargeyska Himilo ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Ingiriiska, kuna weydiiyey tafaasiisha heshiiskaa, isagoo cuskanaya xeerka madaxbanaanida macluumaad helitaanka (FOIA) Act 2000 ayey jawaab kaga soo bixisay xukuumadda Ingiriisku, su’aalahii la laga weydiiyey:

“Faahfaahin ma ka heli karnaa tafaasiisha heshiiska is-afgarad, iyo in qorshahii soo wareejinta Maxaabiista la bilaabay? Hadday HAA tahay, tirada maxaabiista lagu soo celiyey Somaliland?

Mr. Adrian Chen, oo Wasaaradda Cadaaladda Ingiriiska u qaabilsan shuruucda dembiyada Ajaanibka, ayaa ku jawaabay:-

“Waxaan kuu xaqiijin karaa in Wasaaradda Cadaaladda Ingiriisku hayso faahfaahinta heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin, tafaasiishiisa xaaladdan aanan bixin karin, maaddaama sheegitaankiisu mamnuuc tahay. Kuma khasbanin sharciyan inaan bixino macluumaad, haddii uu saamayn ku yeelanayo xidhiidhada caalamka. Xaaladda, waxaan aaminsan nahay in bixinta macluumaadkani aanu ku haboonayn xidhiidhka Ingiriisku la wadaago Waddan kale, sida farqada 27(a)ee xeerka (FOIA) Act 2000 dhigayo.”

Warqadda-Ingiriiska

Comments are closed