|

Xukuumada Hindiya oo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ka soo Iibsanaysa Maraykanka & Qorshaha ay u rabto

Delhi 29. September 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Wadanka Hindiya ayaa Damacsan inay Maraykanka ka Iibsato Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones’ka si ay ula Socdaan dhaq-dhaqaaqa Milatari ee u  Shiinuhu ka wado Badweynta Hindiya.

Diyaaradahan ay Hindiya ka Iibsanayso Maraykanka oo tiradooda lagu qiyaasay 24 midh oo wata Xaruumahii laga hagayay ayaa bishii june ee sanadkan Maamulka Madaxweyne Trump u ogolaaday in si deg deg ah loo gaadhsiiyo India iyadoo lagu qiimeeyay Diyaaradahaasi ilaa 3 bilyan oo doolar.

 

Geesta kale Arintani waxaa ay xoojinaysaa in Iskaashi Dhanka Difaaca ahi uu dhex maro Dawlada Hindiya iyo Maraykanka, taas oo Xoghayaha Difaaca ee Maraykanku Mr Jeemis matis  Booqasho aad loogu soo dhaweeyay uu ku tagay Caasimada New Delhi.

Comments are closed