|

Xukuumada Federaalka Soomaaliya Oo Sheegtay In Hawl-gal Lagu Dilay 7 Dagaalyahan Oo Kooxda Al-shabaab Ka Tirsanaa

Muqdisho 20. August 2017 (SDN/QJ):- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda oo Gacan ka helaya ciidamada Dawladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya ay ku dileen Gobolka Jubbada dhexe 7 Dagaalyahan oo ka mid ahaa Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in raggan la bartilmaameedsaday uu ka mid ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab waxaana uu weerarka ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

 

 

“Ciidamadeennu waxay dileen Toddoba ka tirsan xoogagga Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo masuul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda warfafainta Soomaaliya ka soo baxay.

Waxaa Bilihii u dambeeyay kor u kacay Weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, Weerarradaasi oo ay iska kaashanayaan Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwo Shisheeye.

 

Dhawaan waxaa dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa hoggaamiyayaasha sar sare ee Al-shabaab iyo aas-aasayaashii Ururka, waxaana uu warbaahinta u sheegay in uu isaga baxay 5 sano ka hor.

Comments are closed