|

Xukuumada Dhexe ee Somalia oo Sheegtay in Tafsiir Khaldan la Saaray Nuxurka Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh u Diray Qaramada Midoobay

Muqdisho 22.July 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay warar sheegaya in Xadka dhinaca Badda Soomaaliya la soo yaraynayo, isla markaana qaybo ka mid ah laga iibiyey dawladaha la jaarka ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya, balse waxay Xukuumaddu ku doodday inaanay taas waxba ka jirin, Bad qaybo ka mid ah dalal kale lagu wareejiyey ama laga iibiyey-na jirin.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhex-marayay oo ku aaddanaa heshiis dhinaca Soohdinta Badda Soomaaliya oo lasheegay in dawladdu ay la saxeexatay, isagoo ku tilmaamay Shakhsiyaadka  Wararkaasi faafinaya in ay yihiin kuwo ka soo horjeeda in Soomaalida ay ka faa’ideestaan Kheyraadka Badda.

Wasiirka Wasaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Feredaralka Soomaaliya Maxamuud Caloow Barroow oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa xusay in ay tahay mid been-abuur ah wararka tilmaamaya in dawladdu ay heshiis la gashay dawladda Kenya ee dhanka Badda ku saabsan.

“Wasaaraddu waxa ay shacabka u caddeyneysaa inaysan waxba ka jirin, arrinta heshiiska badda, mana jirto heshiis aan la galnay dowlada Kenya ama aan la galeyno oo ku saabsan xadka badeena, wararka ay baahiyeen warbaahintuna waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, ma nihin dowlad cusub sida dalalka ka go’ay Ruushka, waxaan xoriyadda qaadanay 1960-kii Xaduudda badda Soomaaliyana xilligaasi kahor ayaana la sameeyay xaduudaha badda, halka Kenya ay xornimada qaadatay 1963-dii.” ayuu yidhi Wasiirka Kalluumeysiga.

Wasiirka Kalluumaysiga Federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Warqadda uu Madaxweynaha Soomaaliya u diray Qaramada Midoobay loo turjuntay si khaldan, isagoo tilmaamay in dadka buun buuninaya wararka uu been-abuurka ugu yeedhay ay yihiin shaqsiyaad ka soo horjeeda in laga faa’iideysto Kheyraadka dalka.

Muqdisho SDN/QJ

 

Comments are closed