|

Xukuumada Dalka Somalia oo Eriday Hay’ada Turki ah oo lala Xidhiidhiyay inay Qayb ka tahay Inqilaabkii dalkaas ka dhacay

Muqdisho 16.July 2016 (SDN/QJ):- Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta iskugu yimid shir aan caadi ahayn ayaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Golaha Wasiirada SomaliaDawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dawladdu amartay in la joojiyo adeegyo ay bixin jireen hay’ado lala xiriirinayo, nin ay dawladda Turkigu ku eedaysay inuu ka dambeeyey inqilaabka, kaas oo lagu magcaabo Fetxullah Gulen.

Hay’adahan oo ka shaqaynayey Muqdishu ayay ka mid tahay Nile Academy oo bixin jirtay adeegyo dhinaca waxbarashada ah. Waxaa kale oo hay’adaha la xiriiray ku jiray kuwo bixiya adeegyo dhinaca caafimaadka ah.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 7 malamood oo ka bilaabanaysa berrito ay dalka kaga baxaan shaqaalaha hay’adahaasi.

Dawladda ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Turkigu ay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay hay’adaasi sidoodii u socon doonaan, maamul cusub na loo yeeli doono.

Comments are closed