Xukuumad Ku Dhex Jirta Xukuumad Iyo Tusmo uu Cali Guray ka diyaariyey Dawlada Kulmiye 2013kii.
Hargeysa 02.Nov 2015 (SDN/QJ ) –Xukuumadihii soo maray Somaliland tii ugu horeysay ee uu madaxwaynaha ka ahaa AHN Cabdiraxman Axmed Cali kooxda ugu mitidsanayd muxaafidka waxa lagu naanaysi jiray ” shiish”.
Kooxdaa waxa bartimaameed u ahayd kooxdii kale ee iyaga Baligubadle lagaga soo adkaaday ee lagu naanaysi jiray” Khaakhda” oo u badnayd kooxdii loo aqoon jiray Calan cas oo ay sanadihii dambe ee gudoomiye nimadii Axmed Silanyo ee SNM ay is bahaysteen kuwo kale oo xataa qaarkood ay ka tirsanaan jireen kooxdii wadaadada aan ahayn suufiyada.
Markii dalka la soo galay waatii shirkii Burco xukuumadii lagu soo dhisay ay markii ba la kulantay mucaaridad dardarteeda qabta iyada oo runtii wax la caaridaa aanay markaa weli mdhismin. Mitidnimadii guulwadaysnayd ee Shiishta oo muxaafid ahayd iyo macangag nimadii Khaakhda oo mucaaridaysnayd ayaa loo nisbayn karayay ama wax badana laga saari saarayay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka sanadkii 1992kii. Xukuumadii wakhtigaasi, haba itaal yaraato eh, waxa la ldhan karaa kooxdii Shiishta ay ahayd dawlad ku dhex jirtay dawladda oo marar badan talada ka maroorsan jirtay cid kasta oo kale xataa madaxwaynaha oo ay isaga dhigi jireen inay yihiin gidaarka birta aha ee kaga deyran kooxda halista ahayd ee Khaakhda oo ka koobnayd dhinacyo badan oo mucaarid nimo isku xulafaystay. Khilaafkii wakhtigaasi iyo dagaaladii ka dhashay ay kow ka ahaa arimihii sababay Shirwaynihii Beelaha Somaliland ee lagu qabtay Borame horaantii 1993kii.
Shirwaynihii Borame waxa dhacay wixii dhacay. Wuxu ahaa Shir ka duwaan kii burco Somaliland na ay go’aamo wax ku ool ah ku gaadhay. Wuxu ahaa shirkii ugu horeeyay ee beelaha Somalind iyagoo markan siman awoodii SNM na ay isla degtay ama is burburisay ay ku tashadaan. Shirwaynaha Borame wuxu keenay laba axdi oo dhamays tiran kii nabadda iyo kii qaranka. Marka aad sidaa u eegto wuxu ahaa shir la mahadiyay. Lakiin wuxu lahaa waji kale oo xun.
Madaxwaynihii lagu doortay Borame IHN eh xukuumadii ugu horeysay uu dhisay waxay noqotay mid dhinac ka raran. Marxuunku Muu tixgelin duruufihii keenay shirwaynihii Borame iyo xataa niyad wanaagii madaxwaynihii ka horeeyay oo hadii aanu isagu ogolaan inu xilka ku wareejiyo 150kii oday ee ergada Shirwaynihii Borame Somaliland meel dheer laga dooni lahaa. Madaxwayne Cigal dhiniciisa in uu u haystay raga uu qaatay in ay yihiin kuwii ka takhalusay Tuur oo is yidhi adna waabay kugu darin hadii aanad iska hagaajin iyo in sida ay dad qabaan tab kale watay oo jab la maaganaa mid ay ka ahayd ba sidii uu yeelay waxay awood siisay dhinicii mucaaridkii AHN Cabdiraxmaan Tuur.
Taasi na waxa wax badan looga nisbayn karaa sababihii keenay dagaalkii sokeeye ee ka qarxay somaliland ee ka bilaabmay Hargeysa 15/11/1994kii. Markii uu dagaal kaasi socday muddo sanad ka badnayd ayuu Madaxwayne Cigal mar keliya siyaasadiisii dagaalka ka hor yimi uu yidhi ” dagaalku ba mashruuc buu ahaa”.
Halkaa ayuu ka bilaabmay dagaalkii siyaasiga ahaa ee dhex maray Cigaal iyo kooxdii ugu awoodda badnayd xukuumaddii uu ku soo dhisay Borame. Dhinaca kale hadalka madaxwayne Cigaal ayaa ahaa fariin iyo baaq nabadeed oo uu u dirayay dhinicii maleeshiyada dagaalka kala soo horjeed satay maamulkiisa, gaar ahaan abtiyaashiin oo uu garanayay in si fiican ay u fahmi karaan fariintiisa. Iyadoo aan weli nabadaynti dhicin ayuu madaxwayne Cigaal mid mid uga takhalusay kooxdii ugu awooda badnayd xukuumadiisa oo aan marna iyagu is lahayn wuu idinku dhici karaa waayo waxay qabeen in iyagu ay kursiga saareen cidda qudha ee ku hayn kartaa na ay iyaga tahay laakiin sidii ay moodayeen way noqon wayday.
Qaybtii 2aad
Sidii aynu ku xusnay qaybtii hore Cigaal AHN eh wuxu ku guulaystay in kooxdii ku xeernayd uu ka horyimaado markii uu ku qancay in hadii uu sii haysto aanu xaaladii jirtay ee dagaalka sokeeye xal u heli karin hadii aanay kaba sii darin. Go’aanka uu qaatay Cigaal wuxu keenay in dagaalkii sokeeye na dhamaado muddo xileedkiisii oo dhamaad ahaana sedex sanadood oo dambe dib loo doorto iyada oo dhinicii xukuumaddiisa dagaalka kala soo horjeeday ay sida ugu wayn u siiyeen taageeradooda iyaga oon u kala hadhin.
Nasiib darro, Cabdiraxaan Axmed Cali AHN eh kooxdii ku xeernayd iyagu na umay qabsoomayn isagu na gacanta kumuu qaban taasi na waxay sabab muhiim ah ka noqotay in xukuumadii SNM na ay fashilanto Shirwaynihii Borame na qabsoomo oo mar kale beelaha Somalilnd ay aayahooda dib uga tashadaan.
Intii aan Borame la tegin dhinicii kale ee mucaaridka ahaa laftoodu waxay sameeyeen gef taariikhi ah markii ay diideen in dhinicii muxaafidka ay wada hadal la yeeshaan si loo qabto Kalfdhigii Golaha dhexe ka hor inta aan Borame la tegin. Taas oo Gudoomiye Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa oo ahaa Xasan Ciise Jaamac iyo weliba Gudoomiyaha Golaha Dhexe oo ahaa AHN Ibrahim Maygaag ba ay ogolaayeen.
Mucaaridka waxa u muuqday Cabdiraxmaan oo ay arkayeen inu dabin ugu jiro ilaa ay dhulka soo dhigaana wax kale oo marayay muu jirin, lakiin mawqifkooda ay dhinaca kale wuxu lumiyay fursadii ugu dambaysay ee labadii dhinac ee SNM ay si gaar ah ugu wada tashan kari lahaayeen. Taas ayaa keentay in bal wax kale ba daaye in xataa aan meel la isla dhigin waxa laga yeelayo mustaqbalka ururkii SNM ee horseedka ka ahaa halgankii dib u xoraynta Somaliland ee guusha dhaliyay. Sidaa daraadeed ayaan SNM loona qaabay xisbi siyaasi, sida inta badan dhacda halganada guulaysta, xidhitaan rasmi ahna( official winding up) logu samayn oo aan meel lagu tiirin.
Xukuumadii Riyaale waxay ahayd xukuumad qunyar socod ah. Siyaaasadaha ay kula dhaqmi jiraytay mucaaridkeeda iyo xataa warbaahinta madaxa banaan ee wadaniga ahi may ahayn burburin ee waxay ku wajihi jirtay adkaysi iyo dulqaad. Khilaaf kasta oo Somaliland dhexdeeda ah nooc kasta uu yahay ama heer kasta uu gaadhsiisan yahay kumay degdegi jirin inay xal uga dhigto xadhig iyo xabad.
Waxaynu odhan karnaa madaxwayne Riyaale mudadii uu xilka hayay isaga ayaa gacanta ku hayay muxaafidkiisa hadii ay xilal ka hayeen xukuumadiisa iyo hadii aanay ka haynin ba. Mudadii uu xilka hayay na way jireen muxaafid guulwadayaal ahaa iyo mucaarid mucangag ahaa oo weliba isla waynaan iyo gardiid nimo ku sifoobay. Kuwaas oo weliba ka soo jeeday xisbiga maanta talada haya, hadii uu hayo ba ee Kulmiye. Lakiin muddo sideed sanadood ah,madaxwayne Rayaale isaga ayaa labada dhinac midna birayga u hayay midna adkaysi iyo dulqaad kula soo dhaqmayay, waa na sababta xukuumadiisa oo ahayd mid liidatay ay hada na kaga soo badbaaday inay fashilanto. Warbaahinta oo weerar qaawan oo joogto ah ku hayn jirtay hubkiisa ugu culus ee uu kaga hortegi jiray ama iskaga celin jiray wuxu ahaa aamus, aamuska na kun balaayo ayuu kaga soo badbaaday madaxwayne Rayaale.
Xiligii Rayaale musuq maasuq iyo lunsiga hantida qaranku way jireen lakiin inta maanta hal jeeb ku xeroota ayuun baa kun jeeb ku kala xeroon jirtay qaraabo kiil iyo qabyaalddi na ma jirin oo nadiif ayuu ka ahaa.
Hadii aanu sidaa yeelin afartii doorasho ee dalka ka qabsoomay kamay qabsoomi kareen iyada oo aan midna dhiig ku daadan.Hadii wax is daba marin iyo kham khamaado dhaceen na inta mucaaridku sameeyo wax ka badan may samayn jirin UDUB xisbi iyo xukuumad ba isku daroo. Dhinaca nabadgelyada Rayaale oo markiisii hore ba nabadsugid ahaa jiray wuxu ahaa nin qiimayn xaaladda nabadgelyada dhinaca mudnaanta na ka horaysiiya wax wal oo kale isaga oo hadii uu wax walba ku waayayo aan ka ogolaan jirin ku isaga la shaqeeyaa inay ku kacaan wax uu is leeyahay wax bay u dhimi kartaa nabadgelyada iyo xasiloonida dalka. Waxay ugu darnayd markii isaga oo madaxwayne ah uu booqasho ku tegay Laas Caanood ee koox yar oo Puntland ka soo jeeday ay tacshiiradaysay iyo go’aankii uu qaatay ee markii ba loo arkay inu yahay go’aan jilicsan oo bahdalaad ku ah Somaliland iyo Madaxwaynaheeda.
Hadana muddo yar ka dib Caasimada gobolka Sool ee Laascanood waxay si buuxda u soo gashay gacantii maamulkiisa iyada oon khasaare sidaa ihina aanu ka dhicin, marka loo eego wixii ka dhacay Buuhoodle oo ilaa iyo hadda ka maqan gacanta maamulka Somaliland.
Hadaba marka aynu eegno xaaladda maanta iyo xukuumadda talada haysa mar waxaynu odhan karaynaa oo run ah waa xukuumadii ugu nasiibka roonayd xukuumadihii soo maray Somaliland intii ay jirtay. Waayo marka hore xilka waxay la wareegtay xili ay Somaliland meel fiican soo gaadhay ka dib 19 sanadood na geedi socodka qaran dhisku uu ka soo gudbay marxaladihiisii ugu adkaa dhibaatoyinkii ugu culayska badnaa na ay xukuumadihii ka horeeyay ka horeeyay dhabarka u dhigteen laga na soo gudbay.
Xaaladda dalku sidii ay ahayd xiliyadii labadii xukuumadood ee AHN Cabdiraxmaan iyo Cigaal ay xilka la wareegeen iyo xaaladii ay xukuumadani kula wareegtay talada dalku ayaa ah wax aan la is barbar dhigi karin ee kaaf iyo kala dheeri ah.Xataa xaaladii ay xukuumadii Rayaale xilka kula wareegtay ayaa aad uga liidatay ta xukuumadani ay kula wareegtay xilka badhtamihii 2010kii. Marka labaad mucaaridka ka soo horjeeda xukuumadani maaha mid wax dibin daabyo ah ku haya, hadii loo eego macaaridadii ka soo horjeedi jiray sedexdii xukuumadood ee ka horeeyay, oo colka Kulmiye ay mar walba iyagu hormoodka ka ahaan jireen na waaba afkaaga caano lagu qabay.
Marka xaalku sidaa yahay dhibaatada xukuumadan caqliga fayoobi wuu garan karaa in aanay ahayn mucaarid iyo wax uu macaaridku wado toona lakiin uu Madaxwayne Silanyo yahay madaxwayne ay maradiisu ku gubanayso oo halka laga dilayaa ay tahay madaxtooyadiisa dhexdeeda,xukuumadiisa dhexdeeda iyo xisbigiisa dhexdiisa oo koox daneedyo ay ku legdama yaan. Koox daneedyadu inay wada Kulmiye yihiin iyo in kale mooyi lakiin xukuumadda dhexdeeda hore ayay ugu soo kala adkaadeen oo sidii loo kala adkaysiiyay ay ugu kala adkaadeen. Xisbiga laftiisa sida ay ugu kala adkaan karaan lagama yaabo inay noqon karto si ka duwan sida ay hada ba ugu kala adag yihiin xukuumadda iyo madaxtooyada dhexdeeda.Taas oo ah in kooxda loo yaqaano “WADAADADA” oo maanta ba ah kuwa ugu awood badan talada dalka oo gaadhay ilaa iyo heer ay noqdeen xukuumad ku dhex jirta xukuumad, isla markaa na halbawlayaasha qaranka oo dhan iyagu gacanta ku haya ayaa noqonaysa kooxda ugu awooda badan Kulmiye xukuumad iyo xisbi ba, hadii aanu Madaxwayne Silanyo yeelin sidii AHN Cigaal uu yeelay markii uu madaxwaynaha ahaa.Sua’aashu waa ma yeeli karaa?
XUKUUMAD KU DHEX JIRTA XUKUUMAD
Qaybtii 3aad
Marka aynu hoos u wada eegno xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland casharka ugu muhiimsan eynu ka baran karaynaa waa in halista ugu badan ee fashilin karta xukuumadi ay kaga iman karto gudaheeda gaar ahaan kuwa ugu dhadhaw madaxwaynaha markaa isagu xilka haya in kasta oo madaxwaynuhu cidda keliya ee indhihiisu ay hayaan ama lagu jeediyaa ay hadiyo goor yihiin mucaaridkiisa. Tusaalaha ugu wanaagsani waxa inoo ah xukuumadan maanta xilka haysa. Dhacdooyinkii ugu halista badnaa ee ina soo maray marka aynu wada eegno ma waxa loo nisbayn karaa dad ka soo jeeda dhinaca xukuumadda oo ama ka tirsan ama xaafidsan, mise waxay noqonayaan balaayooyin mucaarid dhigay?
Bal dib u milicso dhacdooyinkii ugu halista badnaa ee dalka ka dhacay intii ay xukuumadani jirtay, ma dagaalkii Buuhoodlaa, ma doorashooyinkii dawladaha hoose iyo ku shubo iyo ka shubadii iyo dhimashadii iyo dhaawacyo deedii baa, ma cabudhinta saxaafadda iyo xoriyadii hadalkaa, ma musuq maasuqa iyo eexda iyo qaraabo kiilkaa, ma shirqoolada iyo gacan ka hadalkaa, ma boobka iyo lacag urursigaa, adigu tiri uun dee. Xumaan taas oo dhami halka ay ugu dambaysta ku biyo shubtaan waa shakhsiyaad ama xukuumadda ka tirsan ama ka ag dhaw oo weli ba madaxwaynaha laftiisa ugu sii dhaw oo uga wada dhaw inta kale oo dhan.
Weliba kuwa ugu halista badani waxay ka mid yihiin kooxda gaadhay inay noqoto xukuumad ku dhex jirta xukuumadda oo wadata ajandahooda qarsoon laakiin dadka isu tusa oo jecel in loo arko duul wadaado ah oo culimo ah oo diinta ehel u ah, hada na marka loo sii fiirsado hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhaa ba uu aduunyo ku kooban yahay oo waxay ku hamiyayaan aanu dhaaf siisnayn lacag iyo xukun oo labadu ba ay xaal aduunyo uun yihiin.
Waxa aynu og nahay dhibaatooyinkii iyo fadeexadihii dalka ka dhacay ee ku wada lug lahaa arimaha aynu soo sheegnay in aan mid keliya la baadhin oo aan go’aan kama dambays ah laga soo saarin waayo waxa la qarinayaa in runta la ogaado.