Xukunkii Maxkamadda Sare: Anigu Waan Ku Diirasaday Q.3aad iyo Cali Guray
Hargaysa 04, October 2016 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xisbiga UCID horta sharciga ma yaqaano kol ay Xeerka Xisbigiisa ku tahay ama waabu is kala wayn yahay. Oo wuxu u haystaa in isagu maadaama uu Madaxtooyada gal galo Kulmiyena ay gacansaar leeyihiin ama taageersan yahay aan sharcigu agtiisa waxba ka ahayn ee siduu doono yeeli karo. Aniguna siduu-doonaba-yeele aan Ilaahay ahayn ma aqaan. Waxa kaliya ee Faysal aanu Insha Allaahu Tacaalaa aanu ku darin ma taqaan? Waa aniga ayaa Musharaxa UCID noqonaya wax ii diidayaana ma jiro. Hadda naftu waa amaano goor ay bixina Allahu yaclam.
Bal imika day, Go’aankii Gudida Diiwaangelinta isaga ayaa rafcaan ka qaatay Maxkamadda Sarena xukun bay riday hal qodob ayuu malaha hadii laga tegi waayo ka ogol yahay isagana ma wada ogola.
Weliba qodobkana ma wada ogola oo ergadii Shirwaynihii hore wuxu doonaya in uu ka dhgo dad isagu keligii uu meelahaa ka soo urursado oo inta uu qol ku xaraysto uu yidhaa aniga ayay musharax ii doorteen ee ma nin waalan baa mise wuu miyir qabaa?
Maalintii ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqday Xukunka iyadoo aanay 30 daqiiqadood ka soo wareegin ayuu ka horyimi Xeerka UCID qodobka 26aad. Ilaa hadda, waxa kale uu si cad u diidan yahay qodobada 6aad iyo 7aad ee Xukunkii Maxkamadda Sare iyo dhamaan qodobada 4,5,6, iyo 7aad ee Gudida Duuwaangelinta USIAAQ oo dhamaantood uu ayiday Xukunka Maxkamadda Sare.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh anigu waxan qabaa cid kasta oo ka hortimaada fulinta Xukunka Maxkamadda Sare ay dembiile noqonayso aharciguna qaban doono. Hadii sida Faysal qabo isaga aanu sharcigu qabanaynin ogaada cid kalena sharcigu ma qaban doono taasina waxa weeye dhinac waliba isaga ayaa sharciga gacantiisa ku qaadan doona waxa ka dhalan karana waynu wada garanaynaa.
Sidaa daraadeed anigu waxan taageersanahay in sharcigu shaqeeyo oo loo wada hogaansanaado loona wada sinaado si cadaalad loo helo.
Dhinaca kale Faysal dagaalkiisa ugu wayni maaha Jamaal iyo Caligurey ee waa Xisbiga UCID oo uu ka soo horjeedo inu higsado Xisbul Xaakimka Somaliland. Isagu wuxu u dagaalamayaa in Kulmiye ama WADDANI uu midkood noqdo.