Xukunka Xabsiga Dheer Ah Ee Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Gil-gilay Masaajidda Magaalada Hargeysa
Hargeysa, 12,4,2016 (QJ/SDN) – Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha magaalada Hargeysa ayay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ku xukuntay xabsi muddo dheer ah, kaasi oo lagu sheegay illaa Afar sanno.
Inkastoo aan si rasmi ah loo garan karin mudada xabsiga lagu xukumay abwaanka maadaama aan warbaahinta loo soo tebin xukunkii iyo weliba dacwaddiisii haddana ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa ku waramaya in lagu xukumay muddo 4 sanno ah.
Haddaba, masaajidda magaalada Hargeysa ayaa waxa si wayn u gil-gilay xukunka abwaanka iyadoo dadyawga masaajidda iskugu yimaadaa ay si wayn uga xumaadeen xadhiga abwaanka iyo xukunkiisa.
Masaajidka AL-HUDA oo ka mid ah masaajidda waawayn ee magaalada Hargeysa ayaa caawa si wayn looga soo hadal qaaday xadhiga abwaanka iyadoona culimo masaajidkaasi ku sugneed ay halkaasi uga duceeyeen abwaanka si uu ILLAAHAY uga soo furto xadhiga mudada dheer ah ee lagu xukumay.
Dadkii masaajidka ku sugnaa ee salaadda kasoo xaadiray ayaa qaarkood sheegeen in ay xaq-darro tahay xadhiga abwaanku maadaama bay yidhaahdeen aanu u gefin diinta iyo dalka Somaliland toona, waxayna dadkii masaajidkaasi ku sugnaa ay soo jeediyeen in abwaanka Cafis loo fidiyo oo lasii daayo.
Sidoo kale, abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ah aabbe dhowr caruur ah leh ayay dadkii masaajidkaasi ku sugnaa ay soo jeediyeen in la iska xil saaro caruurtii iyo weliba xaaskii uu abwaanku ka masuulka ahaa mudada uu xabsiga ku jiro, walow aanay jirin cid si rasmi ah u sheegtay in ay caruurtaasi masuul ka noqon doonto mudada uu xabsiga ku jiro abwaanku.
Ugu danbeyntii, Todobaadkan ayuun bay ahayd kaddib markii uu soo if-baxay xukunka xadhiga ah ee Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo imika muddo ku dhow 5 bilood ku jira xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.