Xukun Adag Oo Lagu Riday Rag Lagu Helay Kufsiga Gabadh Ardayad ka Ahayd Dalka Kenya
Busia:April,14,2015(SDN/QJ)-Kadib baadhitaan dheer oo la sameeyey, ayey Maxkamada Busia ee galbeedka Kenya, waxa ay xukunno muddo dheer ah ku ridday Rag ku eedaysnaa kufsi ay u geysteen Gabadh yar oo Ardayad ahayd.
Lix raggaasi Kufsiga lagu eedeeyey kamid ahaa, ayaa waxa lagu ridday Xukun min 15-sano ah, kadib markii Muwaadiniinta iyo Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha dal badeen in ragaasi ay Dowlada Kenya talaabo sharciga waafaqsan ka qaado.
Ragan xukunka lagu riday, ayaa kufsi kadib Gabadha ku tuuray musqul, waana tan keentay in muwaadiniinta dalkaasi ka cadheysiisay.
Kooxaha u dooda xuquuqda dalka Kenya ayaa soo dhaweeyay xadhiga shan iyo tobanka sano ee lagu xukumay niman xoogay gabar iskuul dhigata, laakiin waxa ay sheegay inay qaadatay xakunka ragaasi laba sano, taasina ay muujinayso cadaalad darida.
Inta badan Dowlada Kenya ayaan xakuno la tiigsan dadka dumarka kula kaca awoodaha Jinsiga.
SDN/QJ