Xukumadda Somaliland Iyo Xisbigeeda Kulmiye Oo Oo Si Wayn U Hadal Hayay Siyaasi Ay Adhax Jabiyeen Oo Ay Hadda Itaal Siyaasadeed Bidayaan
Hargaysa 20. February 2017 (SDN/QJ):-Xukumadd Somaliland Iyo Xisbigeed Kulmiye Ayaa Si Wayn U Hadal Hayay Labadii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ka Dib Markii Dood Laga Adkaaday Wasiirka Madaxtooyadda Laga Hadlayay Saamaynta Uu Yeelan Karo Saldhiga Barbara Ee Imaaraatka Lagu Wareejinayo,
Taasina Waa Ta Keentay In Xaruumaha Dowlahad Iyo Guud Ahaan Somaliland Looga Hadal Hayo In Uu Wax Badan Ka Difaaci Lahaa Faysal Cali Waraabe Haddii Uu Dooda Ku Jiri-Lahaa,
Xisbiga Kulmiye Iyo Xukumaddiisa Ayaa Aad U Hadal Hayay In Ay Fiicnaan Lahayd Dooda In Lagu Daro Faysal Cali Waraabe Iyagoo Qirsan In Si Muwaadinimo Buuxdaa Ku Jirto Uu U Difaaci Lahaa Qadiyadda Somaliland .
Xukumadda Iyo Xisbiga Kulmiye Ayaa Tiraba Dhowr Jeer Masuulka Lugta Qabtay Ay Maanta U Baahan Yihiin In Uu Doodaha Ka Qayb Galo Lagu Difaacayo Siyaasadooda.