“Xukumadda maanta Somaliland ka talisa waxaa inagaga filan, inay garan wayday inay sharafta shirkan qaadato” Xasan Ciise DAAWO
Hargaysa 25.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Xigeenkii ku xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukumadda Siilaanyo ku tilmaamay mid aan waxba garanayn oo kale.
Mujaahid Xasan Ciise oo hadal ka jeediyay furitaanka Shirka labada xisbi maanta uga furmay huteelka Xaruf ee Magaalada Hargeysa. “Shir gudoonka, Hogaanka labada xisbi qaran iyo xubnaha shirkan ka soo qayb galay oo dhan waxaan ku tahniyadaynayaa shirkan quruxda badan ee haddii Alle yidhaahdo khayrka qaba ee ay inoo bilaabeen ee inoo fureen, waan ku tahniyadaynayaa, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin”.