Xukumada Somalia Oo Sheegta in ay La Dagaalami Doonaan dadka Ku Labisan dareeska Ciidanka Dowlada Somalia
Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan shakhsiyaadka xirta dharka ciidanka ee gala fal-dambiyeedyada, isla markaana dhibaatooyinka u geysta dadka rayidka ah.
Wasiirka oo wareysi siiyay laanta af-Soomaaliga ee VOA ayaa ballan-qaaday in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab mid la mid ah ay la geli doonaan shakhsiyaadkaas, maadaama ay halis ku yihiin sumcadda ciidanka.
Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa xusay inay baarayaan dhacdo laga soo wariyay magaalada Baydhabo oo ahayd in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay kufsi u geysteen haweenay xaamilo ahayd.
Dhowaan ayaa ciidamo gaaraya 300 oo askari oo gadood sameeyay waxay gudaha u galeen magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka geysteen falal dhac iyo kufsi isugu jiray.
Dhinaca Kale
Fiqi ayaa sheegay iney dowlada Soomaaliya ka go’an tahay iney dib usoo nooleyso ciidankii Soomaaliya ee lahaa Xoogga,sharafta iyo Cududa buuxda ee qaybta libaax ka qaatay xoreynta dalal badan oo ku yaalla qaarada Afrika si ay dalka uga difaacaan argagixisada kusoo duushay sida uu hadalka u dhigay ,wuxuuna tilmaamay in xiliyada dhow ay dhismi doonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay iney ciidamada dowlada Soomaaliya yihiin geesiyaal qaran oo u bareeray iney shacabka Soomaaliyeed ka difaacaan dhibaatada ay ku hayaan alshabaab sida uu sheegay,wuxuuna ku celceliyey in ciidanku ay mudan yihiin ammaan iyo bogaadin,wuxuuna intaa ku daray iney wadi doonaan hawlgalada ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sifeeyaan deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney is garab taagaan ciidamada Soomaaliyeed ee u dhabar adayga iney duruufaha adag ugu adeegaan bulshadooda,wuxuuna shaaca ka qaaday iney jiraan kooxo caadeystay iney xumeeyaan sumcada ciidanka qaranka kuwaas oo soo labista direeska ciidanka isla markaane dhibaato u geysta shacabka Soomaaliyeed.