|

Xujaajtii Reer Somaliland oo In ka badan 24 Saacadood Go’doon ku ah Madaar ku Yaala Magaalada Jiddah Iyo Sababta Keentay

Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):– Xujaaj u dhashay dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 140 xaaji, ayaa muddo ka badan 24 saacood ku xanniban madaarka loogu talogalay in dadka xujayda ah ka dhoofaan oo ku yaal magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga.

xajka-weeyaanQaar ka mid ah dadka xujaajta ah ee u dhashay Somaliland oo la soo xidhiidhay wargeyska Jamhuuriya xalay, waxa ay sheegeen inay ku dhibaataysan yihiin gudaha madaarka oo qorshuhu ahaa inay ka soo dhoofaan Arbacadii toddobaadkan, balse halkaas ku go’doonsanaayeen, kadib markii ay la kulmeen maamul-xumo dhinaca duulimaadka ah.
“Waxa aannu ku xeroonay madaarka habeenkii Arbacada oo qorshuhu ahaa in aannu soo dhoofno, balse dhibaatooyin badan ayaa halkaas nagu qabsaday annagoo ah xujaaj ka kooban ilaa 140 xaaji oo reer Somaliland, dhibkuna wuxuu nagaga yimmi maamul xumo iyo masuuliyad-darro ay nagula kaceen diyaaraddii aannu ku qornayn.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka xujaajta ah oo wargeyska Jamhuuriya la soo xidhiidhay xalay.

Waxa kaloo uu sheegay inay ku dhibaataysan yihiin gudaha madaarka oo cimiladiisuna aad u kulushahay, iyadoo ay dadka xujaajta ahna ku jiraan dad waayeel ah oo jilicsan oo qaarkoodna dhinaca laxaadka naafo ka yihiin, waxayna caddeeyeen inay xidhiidh la sameeyeen masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Xajka ee dalka Sucuudiga, kuna wargeliyeen inay muddo dheer ku go’doonsan yihiin gudaha madaarka ku yaal magaalada Jiddah.

“Masuuliyiinta aannu xidhiidhka la samaynay ee aannu dacwadayada u gudbinay waxay noo sheegeen inay sida ugu dhakhsaha badan noogu diyaarin doonaan diyaarad na qaada ilaa berri (Jimcaha maanta) haddii Ilaahay yidhaah, haddii kalena ay magaalada dib noogu celin doonaan, isla markaana ay na dejin doonaan qaar ka mid ah hudheelada dawladda Sucuudigu maamusho ilaa inta duulimaad la noo helayo,” ayuu yidhi xaajiga soo gudbiyey dhibaatooyinka ay kala kulmeen dhoofkooda.

Dadka xujaajta Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa inta badan la kulma dhibaatooyin dhinaca duulimaadka ah waqtiyada ay ka soo laabanayaan gudashada xajka, iyadoo dad xujaaj ah ay diyaaraddii sitay ku rogtay madaarka Jabuuti, kadibna ay rakaab kale u qaaday dhinaca Imaaraadka Carabta toddobaad ka hor, arrintaas oo muujinaysa sida diyaaradaha ganacsigu ugu targi falaan dadka xujaajta ah.

Dadka reer Somaliland ee xujaajta ah, kuna xanniban madaarka Jiddaha, ayaa tilmaamay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ay kula kaceen diyaaradaha safarkoodu ku qornaa, waxayna walaac ka muujiyeen in aanay si dhab ah u ogayn waqtiga ay dib ugu laaban doonaan dalka Somaliland, maadaama aanay ilaa saqdii dhexe ee xalay wax jawaab ah ka helin masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Xajka ee Sucuudiga iyo diyaaradaha ay qornaayeenba.

Comments are closed