|

Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti Oo la Furay iyo Isu-socodkii Oo Bilaabmay

Hargeysa:July,07,2014(SDN/QJ)-Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti oo muddo dheer u xidhnaa arrimo dhinaca   Nabadgelyada ah, ayaa haatan dib u furmay sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo Djibouti ka soo noqday.

isiuWasiir Waran-cadde oo shalay u warramayey idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay isla shalay la furay  xadka, isla-markaana oodda laga qaaday Baabuur iyo Gaadiid badan oo rakaab siday, kuwaas oo muddo dheer ku xannibnaa Halkaa.

Waxa uu sheegay in xadka lagu furay is afgarasho iyo wada shaqayn ay labada dhinac isla garteen, isla-markaana la dhameeyey  Baadhitaanno  ay dawladda Djibouti muddo ku Hawllanayd.

“Waad Ogtahayoo beri dhaweyd Dhibaato yar baa ka dhacday, waxaanay saamaysay isu socodkii labada dal,markaa si nabad galyada la isaga kaashan lahaa, ganacsiguna isugu socon lahaa arrimahaas ayaanu runtii u tagnay Magaaladda Djabouti. Runtiina waanu ka wada hadalnay, si wanaagsana waanu isula afgaranay, maanta ayaanan dhamaysanay, madaxweynaha iyo wasiiradana waanu is aragnay, arrintaasina si fiican ayay ku soo dhamaatay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xadka xidhan ee Somaliland iyo Djibouti u dhexeeya ayaa dhibaato badan ku hayey dadka shacanka ah ee Labada dalka iskaga kala Goosha, iyadoo xilliganna ay tahay ramadaan.

Masuuliyiinta Ammaanka Somaliland ugu sarreeya oo uu wasiir warancadde ka kaw yahay ayaa safar u jeeddadiisu ahayd sidii xadka loo furi lahaa ugu maqnaa Dalka Djibouti, kaas oo haatan u muuqda mid lagu guulaystay.

Dhinaca Somaliland ayaa wararka soo baxayaa ay sheegayaan inay soo qaateen shuruudo badan oo Djibouti  hor dhigtay si xadka loo furo,   balse wali arrimahaas saxaafaddu war sugan kama ay helin.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed