|

“Xuduudda ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Jabuuti wuu isku furan yahay,Dadkii Qarxiyay Jabuutise…” Gudoomiyaha Gobolka Salal

Hargaysa 04.June 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabari Rooble,ayaa sheegay in dalalka Jabuuti iyo Somaliland xuduudoodu isu furantahay isla markaana aanay Jabuutina xidhan xadkeeda Somalilandna dhankeeda uu ka furan yahay.

CABDI RISAAQ WAABERI ROOBLEBadhasaabka Gobolka Selel waxaa uu ugu horrayn tacsi u diray dalka Jabuuti oo uu ka tacsiyeeyay  dadkii kaga dhintay qarixii ka dhacay 24 bishii hore oo ay ku dhinteen afar qof oo laba ka mid ahi ay yihiin is halligeyaashii qaraxa fuliyay.

“Marka ugu horraysa waxaan tacsi u dirayaa dalka Jabuti oo aan ka tacsiyaynayo dhimashadii  uu sababay qaraxii ay argagixisadu ka fulisay caasimadda jabuuti,waxaanan leeyahay waa dhaqan argagixiso oo duulaan ku ah cid kasta oo wanaag iyo nabad ku nool,waanay caddaysteen argagixisadu inay falkaa fuliyeen oo waabay qirteen.”

Guddoomiye Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo  ka hadlayay warar sheegayay in dalka Jabuuti uu xidhay xadka uu la wadaago Somaliland,ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay  in xadka ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Jabuuti in uu xidhan yahay.

“Xuduudda ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Jabuuti wuu isku furan yahay Somaliland-na xadkeeda may xidhin dhanka Jabuutina wuu ka furan yahay oo isu socodka dadka iyo gaadiidkuba sifo sharci ah ayay ku socdaan.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Waxaa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya in ay xuduudda Somaliland ka gudbeen labada qof ee  qaraxa argagixiso ka fuliyay dalka Jabuuti iyo tallaabada ay qaadeen Somaliland iyo Jabuuti qaraxa ka dib.

“Horta dadka qaraxa ka fuliyay dalka Jabuuti waxay ahaayeen kooxo argagixiso oo Al-Shabaab,ayaaba sheegatay markaa taasi waxay caddaynaysaa in aanay ahayn reer Somaliland  is-qarxiyeyaashaasi,laakiin waxaa la yidhi waxay ka gudbeen xadka Somaliland iyo Jabuuti ay wadaagaan taasoo ay Jabuuti sheegtay in ay u xidhan yihiin saraakiil ka tirsan booliskooda u joogga xuduudda oo is-qarxiyeyaasha u suura galiyay inay gudbaan qaraxyadana ay ka fuliyaan caasiamdda dalka Jabuuti,taasina waxay caddaynaysaa in dhanka xadka Jabuuti lagala shaqeeyay oo laga caawiyay,laakiin hadday dhacday in xadka Somaliland ay ka gudbaan iyagoo gacan ka helayay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee dalka Jabuuti,  taasi waxay dhalisay in dalalka Somaliland iyo Jabuutiba ay xoojiyaan korna u qaadaan la socodka dadka isaga gdbaya labada dal si loo hubiyo sharciyadda ay ugu kala gudbayaan labada dal iyadoo laga hor tegayo inay dhacdo in kooxo argagixiso dhanka Jabuuti hadday tahay iyo hadday Somaliland noqotoba in aanay uga kala gudbin.”

Guddoomiyaha Gobolka Selel oo ka hadlayay tallaabooyinka ay qaadeen iyo sida loo hubinayo dadka u kala gudbaya labada dale e Somaliland iyo Jabuuti,ayaa yidhi.

“Hayadaha ammaanka gobolku shir deg deg ah ayay arrintaa ka yeesheen waxaana la badiyay goobaha kaantaroolada ah ee lagu baadhayo gaadiidka ka yimaadda gobolada dalka oo dhan ee u socda Jabuuti marka ay soo gaadhaan gobolka Selel waxaa ay isugu yimaadaan wadada Aasha Caddo halkaasay istaagayaan oo lagu baadhayaa isla markaana wixii sharci  sita ee la garanayay way gudbayaan iyadoo la liis gareeyay,waxaa lagusii kaantaroolayaa mar labaad Bariisle,kaantaroolka saddexaad waxaa uu noqonayaa Lawyacaddo,intaba waxaa jooga rag khuburo ah oo arrimaha baadhista ku takhasusay,waxaa sidaa loo yeelayaana waa in la adkeeyo ammaanka.”  Ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed