|

Xubno uu ka mid yahay Ismaaciil Buubaa oo Gole siyaasadeed kaga dhawaaqay Muqdisho

BuubaaMuqdisho: 29-JULY-2024 (SDN) Waxaa maalintii shalay oo sabti ahayd magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay Golaha Midnimada Qaranka iyo Badbaadinta Dowladda Soomaaliya.

Golahan ayaa ah mid ay  ku midoobeen Siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad soomaaliyeed, waxana lagu dardar gelinayaa arrimaha Dawladda federalka somaliya.

Professor Ismaacil Hurre Buubaa oo ka mid ah xubnaha ku jira golahan oo u warramayey Idaacad macalli ah oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in golahan loo dhisay siddii ay u badbaadin lahaa dowladda Soomaaliya,  isagoo intaa ku daray in dhamaanba Ragga Golahan ku jiraa ay taageerasan yihiin xukuumadda somaliya.

Mar la weydiiyay Prof Buubaa in golahan lagaga soo horjeedo siyaasiyiin dhawaan ku shiray magaalooyinka Nairobi iyo Kampala kuwaasoo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya,Wuxuu sheegay in golahan iyo kooxaha Golaha kale kaga dhawaaqay Magaalada Nairobi aanay isku mid ahayn, isagoo ku andacooday in Golahoodu yahay mid dalka u horseedaya Horumar iyo Barwaaqo.

Prof. Buubaa oo  la weydiiyay in ay mucaarad yihiin, ayaa  sheegay   in golahan ay taageersan yihiin dowladda Soomaaliya, maadama dalka ay ka dhisan tahay dowlad rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee  , ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in golahan taageero uu ka helayo dowladda Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu jaah wareeriyo Kooxda  iyaduna Golaha isku magacawday Gole  ee dhawaan ku shiray magaalooyinka Nairobi iyo Kampala.

Somalidiasporanews.com.

 

Mugdisho office.

Comments are closed