|

Xubno Maayarro u Badan Oo Ka Soo Laabtay Shir ay Kaga Qayb Galeen Waddanka Tanzania

Hargeysa:26-Nov-2013 (SDN)-Wafti Ballaadhan oo iskugu jira Maayarro iyo Xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waddanka Dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay shir kaga qayb galeen waddanka Tanzania.

hilaadsheWeftigaasi oo ka soo laabtay Safar ay ugu maqnaayeen  muddo sagaal maalmood ah, ujeedadiisuna ahayd sidii ay iskaashi iyo wada shaqayn ula yeelan lahaayeen Ururka Dawladdaha hoose ee Bariga Afrika, waxa socdaalkooda ka saaciday Hay’adda UN-HABITAT oo kaashanaysa mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee qaramada Midoobay.

 

Xubno ka kala socday Golleyaasha deegaamada ay Maayirradani madaxda ka yihiin iyo dadweynaha kale ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, waxaanay sheegeen inay waxyaabo badan oo cajab geliyay iyo waayo aragnimo shaqo ka soo faa’idaysteen dalkaasi.

 

“Waxaanu tagnay magaalada Caruusha ee Caasimada tansania, waxaanu kala soo laabanay waayo aragnimo aad u badan, waxaan odhan lahaa malahayga dalkaa aanu tagnay waxyaabihii aanu ku soo aragnay markaa eego aniga ku dhehoo dadweynaha reer somaliland Mawaadiniinba maaha”sidaasi waxa yidhi Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo warbaahinta qolka nasashada kula hadlay.

 

Soltelco ayaa intaasi raaciyay inay la kulmeen Madaxda ururka Dawladdaha hoose ee dalalka Bariga Afrika, kuwaasoo ay isku afgarteen in Ururka Dawladdaha hoose ee somaliland lagu daro dalada ay ku midaysanyihiin Ururadda dawladdaha hoose ee afarta dal ee Bariga afrika.

 

Geesta kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal oo isaguna dib soo laabashada weftigan ka hadlay ayaa sheegay “Safarkan waxa naga bixinaysay kharashka aanu ku tagnay Hay’adda UN-HABITAAT,waxaanu ka soo faa’idaysanay waxyaabo badan oo ay dawladdaheena hoose u baahanyihiin, wxaana ka mid ahaa wada shaqayntaa dhex mari doonta Dawladdaha hoose ee Somaliland iyo Dalada Ururadda Dawladdaha hoose ee Bariga Afrika, waxa kale oo aanu la kulanay Jaaliyadda somaliland ee dalkaasi ku nool”ayuu yidhi Agaasimuhu.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed