|

Xubno Katirsan Saraakiisha Ciidamada AMISOM Oo Uganda Loogu Maxkamadaynayo Kiis La Xidhiidha Inay Ka Seexdeen Weerarkii Shabaabku Ku Qaadeen Jannaale

Kampala:Sep,16,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan  4-Sarkaal oo katirsan ciidamada AMISOM, una dhashay dalka Uganda, ayaa lagu wadaa in dhawaan maxkamad lagu soo taago dalkooda hooyo, iyadoo lagu eedaynayo inay ka hortegi waayeen Weerarkii shabaabku dhawaan ku qaadeen Deegaanka Jannaale.

affMaxkamadeyntan ayaa waxaa amray madaxweynaha wadanka Uganda Museveni kadib fariin maqal ah oo laga sii daayay Raadiyaha qaranka wadankaasi.

Madaxweyne Museveni ayaa ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin weerarkii Al-shabab ay ku qaadeen deegaanka Janaale oo ciidamo Ugandes ah ay kudhinteen.

Afhayeen uhadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Paddy Ankunda ayaa sheegay in maxkamadeynta Saraakiishan ay bilaaban doonto inkastoo aanu cadeyn waqtiga rasmiga ah.

Isagoo kusugan wadanka Japan ayuu Museveni sheegay in ciidamadii lagu dilay weerarkii Janaale saraakiishoodu ay dayaceen masuuliyadooda islamarkaana ay hurdayeen.

Dhanka kale Al-shabab ayaa sheegtay inay 50 askari kudileen weerarkii Janaale balse dowlada Uganda ayaa qiratay kaliya in 19 askari weerarkaasi looga dilay

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed