|

Xubno Kamid ahaa Jabhadda Suldaan Wabar Oo Isa Sii Dhiibay, Daahana Ka Fayday Awood La’aanta Kooxdaas Haysata

Qolujeed:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Xubnihii ugu horreeyey ee katirsanaa Jabhadda Galbeedka Gobolka Borama ee uu hoggaamiyo Suldaan Wabar, ayaa isu soo dhiibay ciidamada Qaranka Somaliland, waxana ay ku dhawaaqeen inaanay arrintaas dib ugu noqon doonin.

isorXubnahan oo tiradoodu koobnayd, ayaa warbaahinta la Hadlay, waxana ay sheegeen inay maskaxdooda ka saareen fikraddii ahayd inay dagaal la geli doonaan Somaliland, iyagoo sidoo kale ballan ku qaaday inay qarankooda wax la qaybsan doonaan.

Xubnahan, ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(ramaax), waxana uu sheegay inay diyaar ula yihiin wixii karaankooda ah inay la garab geli doonaan.

Maxamed Cali Cigaal  oo hoggaaminayey kooxdii kasoo goosatay Jabhadda Suldaan Wabar, ayaa sheegay inuu shan bilood oo uu duurka ku jiray kadib go’aansaday inay dadkooda u shaqeeyaan, waxana uu codsaday in la qarameeyo,  “Waxan meeshaas joogay muddo shan bilood ah, ayaan ogaaday inaanu waxaasi wax soconaya ahayn, anagoo qoryahayagii baanu sidaana inta dambe ee naga hadhayna waanu ku noqonaynaa, waxana aanu Dawladda ka Codsanaynaa inay Abaalgud na siiso hanna na qaramayso.” Ayuu yidhi Maxamed Cali Cigaal.

Maxamed Cali oo Hadalkiisa sii watay, ayaa sheegay in kooxda Wali Duurka kusii hadhsani aanay awood adag lahayn, isla-markaana halista ugu badani ee haysataa ay tahay rasaas la’aan, waxana uu yidhi,

“Awooddaydu waa iska liidataa Rasaas ma Haystaan, Waxba ma haystaan, noloshoodana meesha qaad iyo hilib bay ku cunaan”

Kooxda ku jirta Buuraha Deegaanka Qolujeed, ayaa muddo ku hanjabaysay inay waxyeellayn doonaan Degenaanshaha somaliland, waxana lagu hawllan yahay waan waan la dooonayo in lagu soo xerogeliyo inta haatan ku hadhsan Suurka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed