Xubno ka tirsan UDUB oo baaq u diray Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa, 29, April 2012 (SDN)- Xubno ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UDUB ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dacwad uu dhawaan Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi ka gudbiyay Daahir Rayaale.
Xubnahan ayaa daboolka ka qaaday in waxyaabihii khilaafkoodu ka dhashay markii ay soo afjareen guddida diiwaangelinta Ururradu, iyagoo xusay inay markii hore waxaan sharcigooda waafaqsanayn ay isku hayeen.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Xukuumaddii UDUB oo ugu horeyn ka hadlay dacwadda Axmed Yuusuf Yaasiin u gudbiyay maxkamadda ayaa ugu baaqay inuu la noqdo dacwadaas, isla markaana waxa uu ka codsaday inay wada hadlaan oo isku yimaadaan, si khilaafka uga gun-gaadhaan.
Axmed Yuusuf Yaasiin iyo garab taageersan Daahir Rayaale ayaa hore isugu khilaaf hanaanka xulista musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga, iyadoo khilaafkaas la filayay inuu Daahir Rayaale oo dalka ku soo noqday afjaro ayaanay ilaa hadda suurogalin, waxaana sii huray kala fogaanshihii xubanaha isku haya awoodda masuuliyadeed.
SDN, Hargeisa